QALALAASE: Kiiska Kufsiga Ah Ee Cristiano Ronaldo Loo Haysto Qiimihii Juventus Boqolkiiba 30% Hoos U Riday

Markii uu Cristiano Ronaldo ku soo biiray kooxda Juventus waxaa aduunka kubbada cagta ka yaabisay in saamiga suuqyada kooxda Old Lady uu si waali ah sare ugu kacay iyada oo waliba xataa intii aanu ku soo biirin ee uu warku soo baxay uu qiimaha saamiga suuqa Juventus hawli ku dhaqaaqay.

Laakiin markale saamiga suuqa ee kooxda Juventus ayay jug wayni soo gaadhay markii uu soo baxay warka sheegaya in Cristiano Ronaldo uu kufsaday gabadh taas oo kiis maxkamadeed xidiga reer Portugal kaga furtay dalka Maraykanka.

Tan iyo markii uu wargayska Jarmalka ah ee Der Spiegel uu daabacay in Cristiano Ronaldo uu kufsaday gabadha kiiska maxkadeed ku furtay waxaa si wayn hoos ugu dhacay qiimihii kooxda Juventus iyada oo waliba uu hoos u dhigucu gaadhay boqolkiiba 30% taas oo dhirbaaxo wayn oo dhaqaale ku ah kooxda Old Lady.

Laakiin walwalka ugu wayn ayaa ah in xaalad qalalaase dhaqaale ah ay gali karto kooxda Juventus haddii Cristiano Ronaldo lagu helo danbi kufsi ah iyada oo shirkadaha wada shaqaynta la leh Juventus ay ka bixi karaan heshiisyada wada shaqayneed ee Old Lady.

Booliiska Las Vegas ee dalka Maraykanka ayaa doonaya in ay markii ugu horaysay Cristiano Ronaldo su’aalo ka waydiiyaan kiiska ay baadhitaanka ku hayaan ee Ronaldo loogu soo eedeeyay in uu gaystay sanadkii 2009 kii.

Qiimaha saamiga suuqa ee Juventus ayaa sare u kacay £963 milyan gini tan iyo markii uu Ronaldo kooxdeeda ku soo biiray waxayna kaalinta 11 aad kaga jirtay kooxaha ugu qiimaha badan laakiin waxaa la xaqiijiyay in shirkado hadda heshiis kula jira Juventus ay qandaraaskooda Old Lady kansali doonaan haddii Ronaldo danbiga kufsiga ah lagu helo.

Kooxda Juventus oo taageero buuxda u muujisay Cristiano Ronaldo ayaa hadda wajahaysa xaalada qalalaase dhaqaale haddii ay dhacdo in Ronaldo lagu helo in uu gaystay tacadi kufsi ah inkasta oo aanu xataa markaas ku biirin Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale wararku sheegayaan in dhaqaalaha iyo shirkadaha Ronaldo laftooda ay jug wayni soo gaadhi doonto haddii danbigani ku cadaado iyada oo shirkadaha Nike iyo EA Sports ay haddaba walaac ka muujiyeen sida ay xaaladu tahay.