Qaar Ka Mid Ah Khabiirada Sky Sports Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka Adag Ee Man City v Chelsea.

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 30, 2016

Qaar ka mid ah khabiirada kubada cagta ee Sky Sports ayaa saadaal ka bixiyay kulanka adag ee Sabtida ee Premier League ee u dhaxeeya Manchester City iyo Chelsea kaasoo ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Paul Merson

“Muhiimada Chelsea waa inaan laga badinin, halka Man City ay ku qasban yihiin inay badiyaan laakiin waxaan qabaa inay ciyaarta barbaro ku dhamaan doonto oo ay noqon doonto mid furan.”

skysports-man-city-chelsea_3842888

Charlie Nicholas

“Waxaan qabaa in Manchester City ay badin doonto kulankaan.”

Phil Thompson

“Chelsea waxa ay kulankaan soo galeysaa iyagoo qaab ciyaareed fiican ku jira, iyaga ayaana ugu cadcad inay badiyaan. Waan oagahy in Etihad lagu ciyaarayo laakiin waxaan qabaa in Chelsea ay badin doonto.”

Graeme Souness

“Waxaan arkaa Chelsea oo Etihad aadeysa islamarkaana tiro ku dulqoreysa City. Uma maleynayo inaan waxyaabo lama filaan ah ka arki doono City, waxa ay isku dayi doonaan inay kubada gadaal ka soo dhisaan, waxaana arkaa in Chelsea ay ka faa’ideysan doontaas taas islamarkaana ay si wacan kubada u difaacan doonto.”

Alan Smith

“Conte waxa uu leeyahay awooda uu difaac ugu galo seddex ama shan danbe islamarkaana uu kubado rogaal celis ah qaado isagoo ka faa’ideysanaya orodka Hazard iyo dhameystirka Costa. Waxa uu noqon doonaa kulan weyn, lama filaana iguma noqon doonto inaan aragno Chelsea oo badineysa.”

Like it? Share it!

4 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. izi 30-11-2016 at 8:44 pm - Reply

    Aniga waxan qabaa iney Chelsea badin do donto haa cubeydow sadaashu wa sidaa

  2. cubeyd 30-11-2016 at 6:00 pm - Reply

    waa sida aad jeceshahay sxb ee sadaalin lama dhaho

  3. yahyekar brown , love man city 30-11-2016 at 2:50 pm - Reply

    haddii an fikirkeyga ka dhiibto kulanka addag ee man city iyo chealse wxn qaba in ay man city baddin doontao aayo waxa ay haysatan ciyaartoyo ad iyo ad ufiican u ka mid yahay yaya tour silva de bruyn aguero yo nolito sidaa derted man city ayaa wax guusha ka caawinaya ciyriyahanadeeda ay haysato

  4. Mah'ud 30-11-2016 at 1:20 pm - Reply

    chelsea

Leave A Response