Qaab Difaaceedka Juve, Rajadooda Kulanka El-Clasico & Gerard Pique Oo Ka Hadlay Waxa Uu U Rajeynayo Marwada Duqda Ah.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Juventus ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed ku dhisan difaac kaas oo ka saaciday iney tartanka ka reebaan Barcelona oo afar jeer ku guuleysatay tartankaan 11-kii sano ee lasoo dhaafay iyagoo uga soo baxay isku cel-celis ahaan 3-0.

Wiilasha Massimiliano Allegri ayaa ku guuleystay iney shabaqa u diidaan Barcelona iyo MSN, waana kooxdii sadexaad ee shabaqeeda ka ilaashata laba kulan oo minan iyo marti ah tartankaan kadib Man United (2007/08) iyo Bayern Munich (2012/13).

Si kastaba Balaugrana wey qasaartay iyadoo Madrid ay gaartay semi finalka tartanka markii 7-aad oo xiriir ah, Pique ayaana ka warbixiyay sida uu dareenkiisa yahay.

“Waa koox weyn, si guud waxey ahaayeen kuwa naga wanaagsan, wey u qalmeen iney u gudbaan wareega xiga, waxaana u rajeynayaa wanaag sababtoo ah wey ku guuleysan karaan tartanka” Ayuu yiri Pique oo la hadlayay BeIN Sports.

“Waxaa laga yaabaa inaan fursado abuurnay, balse waxey aheyd inaan fuulno buur sidaan oo kale ah” ayuu yiri mar kale Pique oo tilmaamaya fashilka ah iney gudbi waayeen daafaca Bianconerri.

BBC ayaa fashiliyay MSN, 30-jirka reer Spain ayaana aaminsan in ciyaartoyda talyaaniga ah ay mar walba yahiin kuwa ku wanaagsan difaaca.

“Waa talyaani, wey garanayaan sida si wacan loogu difaactamo, weyna ku taqasuseen halkaas, waxey halkaan u yimaadeen iney ciyaaraan qaabkooda kubadda cagta si wacan ayeyna u qabsadeen”

Ugu dambeyntiina Gerard Pique ayaa la weydiiyay hadii afar maalmood kadib ay soo rogaal celin karaan marka ay Axadda Santiago ugu martiyaan Real Madrid.

“Waxaan u aadeynaa Bernabeu inaan tartano sidoo kalana guul gaarno, waxyaabo wanaagsan ayaan kusoo sameynay halkaas dhawaanahaan inkastoo anan ku jirin waqtigii ugu fiicnaa, waan guuleysan karnaa”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments