PSG Oo Diyaarsatay Qorshihii Ay Real Madrid Ugaga Quus Goyn Lahayd Rabitaankeeda Neymar Jr Iyo Arintan Oo Saamayn Xoogan Ku Yeelan Karta Xidiga Ree Brazil.

Kooxda Real Madrid ayaa waqti dheer doonaysay in ay la soo saxiixatay Neymar Jr laakiin markii uu dhawaan Cristaino Ronaldo ku biiray Juventus waxay maamulka Madrid baahidii ugu waynayd u qabaan in ay helaan badalkiisa waxaana ka mid ah xidigaha ay doonayaan Neymar Jr iyo waliba saaxiibkiisa PSG ee Kylian Mbappé si la mid ah Eden Hazard oo Chelsea ka tirsan.

Laakiin maamulka kooxda PSG ayaa haddaba bilaabay qorshihii ay madax waynaha Real Madrid ee Florentino Pérez ugaga quus goyn lahaayeen rabitaankiisa Neymar Jr yada oo PSG doonaysa in ay xidiga ree Braizil u soo bandhigto heshiis cusub oo si waali ah mushaarkiisa sare loogu qaadayo.

Hal sano ka hor kooxda PSG ayaa Neymar Jr ka dhigtay xidiga taariikhda aduunka ugu qaalisan kadib markii ay ka bixsay 222 milyan euros waxayna sidoo kale ku shaqaalaysiisay mushaarkii markaas ugu qaalisaa oo 37 milyan euros ah sanadkiiba.

Laakiin kooxda PSG ayaa doonaysa in Neymar Jr ay ka dhigtay mid aan u jaleecin dalabyada Real Madrid iyada oo qorshaynaysa in ay ka saxiixato heshiis cusub oo uu mushaarkiisu kula mid noqon doono qandaraaskii cusbaa ee uu Lionel Messi u saxiixay Barcelona.

War cusub oo soo baxay ayaa sheegaya in maamulka PSG ay diyaar u yihiin in Neymar Jr ay ka saxiixdaan heshiis cusub oo uu sanadkiiba ku qaadan doono 50 milyan euros kaas oo waliba aan lahayn qodob sheegaya lacagta lagu burburin karo maadaama oo ay horyaalka France mamnuuc ka tahay in qodobkan lagu daraa.

Qorshahan ayay maamulka PSG doonayaan in ay dayr adag uga dhigaan xiisaha Real Madrid ee Neymar Jr. Laakiin sidoo kale Real Madrid ayaa xiisanaysa Kylian Mbappé kaas oo todoba sanadood ka yar Neymar Jr isla markaana mustaqbal wayn ku leh kubbada cagta balse PSG ayaan hadda walwal badan ka qabin Mbappe.

Qorshaha kale ee ay maamulka PSG ku joojinayaan Neymar Jr si aanu ugu hunguroon Real Madrid ayaa ah in ay shaqaalaysiiyeen dhakhtarka xulka qaranka Brazil dhinaca duugmada u qaabilsan ee Bruno Mazziotti kaas oo Neymar ka caawinaya in uu si buuxda uga soo kabsado dhaawicii xili ciyareedkii hore soo gaadhay.