PREMIER LEAGUE: Manchester City Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaadhay Fulham, Chelsea Oo Xasuuq U Geysatay Cardiff City & Arsenal Oo Guusheedii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah Kasoo Heshay Newcastle United.

Kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Arsenal ayaa guulo waaweyn kala hoyday toddobadka shanaad kaddib guulo ay ka kala heleen kooxaha Fulham, Cardiff iyo Mewcastle United sida ay u kala horreeyaan.

Eden Hazard ayaa saddexley ka dhaliyay kooxda Cardiff isaga oo dhibaato kasta ku abuuray kooxdan martida u ahayd, Sterling, Sane iyo Silva ayaa ahaa geesiyaasha City u sahlay guusha ay ka heleen kooxda ree London halka Granit Xhaka iyo Mesut Ozil ay guushiisii saddexaad ee xidhiidh ah u sahlay Unai Emery.

 

Manchester City Vs Fulham

Shaxii Labada Kooxood ee kulanka

Manchester City: Ederson, Walker, Laporte, Delph, Otamendi, Bernardo, Fernandinho, Silva, Sane, Aguero, Sterling

Fulham: Bettineli, Sessegnon, Odoi, Christie, Mawson, Mc Donald, Johansen, Seri, Schurrle, Mitrovic, Vietto

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaysan wakhti badan ku qaadan inay gaadho shabaqa kooxda horyaalka ku cusub ee Fulham, Fernandinho ayaa kubad ay qalad sameeyeen xiddigaha Fulham ka sameeyay faa’ido weyn kaddib markii uu da’yarka kooxdaas ee Leroy Sane oo garoomada ka raagay ka caawiyay inuu shabaqa gaadho daqiiqadii 2-aad.

Khabiirka khadka dhexe ee City ee David Silva ayaa daqiiqadii 21-aad ee kulankan natiijada u bedelay 2-0 ah si weyn ciyaarta ugu raaxaysanaysay, Intaa kaddib Raheem Sterling ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0 daqiiqadii 47-aad isaga oo saddexda dhibcood u xaqiijiyay Citizens.

 

 Chelsea Vs Cardiff City

Shaxii Labada Kooxood ee kulanka

Chelsea: Kepa, Rudiger, Alonso, Azpilicueta, Luiz, Jorginho, Kante, Kovacic, Hazard, Pedro, Giroud

Cardiff City: Etheridge, Bennet, Morrison, Manga, Bamba, Arter, Ralls, Camarasa, Hoilett, Ward, Reid

Cardiff City ayaa kulankan ka naxsatay Chelsea oo ay marti u ahayd kaddib gool ka yimid Sol Bamba daqiiqadii 16-aad ee Kulanka balse waxa goolkaas jawaab kulul ka bixiyay xiddigii kulankan ee Eden Hazard, oo daqiiqadii 37-aad goolka bareejaha u dhaliyay Blues.

Markale Hazard ayaa ka yaabsaday Cardiff kaddib markii uu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa kahor intii aan la aadin wakhtigii nasashada taas ayaana isla qaybtii horeba kalsooni weyn dib u siisay kooxda Sarri oo goolka looga hormaray.

Hazard ayaa daqiiqadii 80-aad rekoodhe ku dilay rajadii yarayd ee ay qabtay kooxda martida ahayd kahor intii uusan Willian Borges oo kulanka bedel ku yimid natiijada kulankan ka dhigin xasuuq 4-1 ah.

 

Newcastle United vs Arsenal:

Shaxii Labada Kooxood ee kulanka

Newcastle United: Dubravaka, Dummett, Lascelles, Fernandez, Yedlin, Murphy, Diame, Ritche, Hayden, Perez, Joselu

Arsenal: Cech, Bellerin, Sokratis, Monreal, Mustafi, Ramsey, Ozil, Guendouzi, Xhaka, Aubameyang, Lacazette

 

Gunners ayaa kulankan ku bilawday qaab gaabis ah iyadoo Newcastle United ay ahayd kooxda bilawgii ciyaarta ahayd mida ugu cad cad ee laga filan karayay goolka balse Gunners ayaa qaybtii dambe lasoo laabatay dar dar iyagoo helay saddexdii dhibcood ee St James Park.

Granit Xhaka oo xilli ciyaareedkan eedaymo dhinaca qaab ciyaareedka ah la kulmayay ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa isaga oo daqiiqadii 49-aad ee kulanka laad xor ah oo qurux badan dhex dhigay shabaqa Magpies.

Intaa kaddib Gunners ayaa sii waday dardarta waxaana goolka labaad oo ahaa gool culays badan ka dajiyay sagaal daqiiqo kaddib goolkii Xhaka dhaliyay kubad sameeyaha kooxdaas ee Mesut Ozil.

Ugu dambayn kooxda martida loo ahaa ee Newcastle ayaa la timid goolka madiga ah ee ay kulankan ka dhalisay waxaana daqiiqadii 91-aad dhaliyay daafaca kooxdaas ee Claran Clark oo rajo yar galiyay kooxda Rafa Benitez walow ay ugu dambayn guuldaro kale la kulmeen.