Pierre-Emerick Aubameyang Oo Sawir Iyo Qoraal Yar Ku Muujiyay Sida Uu Tababarka Unai Emery U Yahay Mid Dhib Badan Ka Hor Bilowga Xilli Ciyaareedka Soo Aadan.

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa soo bandhigay sida uu tababarka Unai Emery u dhib badan yahay isagoo sawir iyo qoraal yar soo dhigay barta twitter-ka, waana mid ka mid ah isbadalada kusoo kordhay garoonka Emirates Stadium.

Xiddiga reer Gabon wuxuu soo bandhigay in tababarkii uu rajeynayay mid ka adag uu la kulmay, wuxuuna nasiib u yeeshay inuu noqdo mid ka mid ah xidigahii ay Gunners soo iibsatay suuqii ugu dambeeyay ee Arsene Wenger uu kooxda goob joog ahaa ka hor inta uusan 22-sano kadib isaga dhaqaaqin waqooyiga London.

Unai Emery ayaa soo gaaray London Cloney wuxuuna durba bilaabay tababar aan caadi aheyn oo lama filaan ku noqday xiddig walba, baraha bulshada ayeyna buux dhaafiyeen sawirada xiddigaha Gunners oo muujinaya sida ay ugu dhiban yahiin xaaladda cusub.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay sawir uu kula jiro Eddie Nketiah oo ka mid ah da’yarta kooxda iyadoo xiddiga reer Gabon uu aad u muujinaayo sida uu u daalan yahay.

“Aniga: Dmn walaal i caawi!!! waan dhintay. Eddie Nketiah: Soo soco wali waxaa noo hartay 10 orod ah inaan sameyno”

Waxaa la fahamsan yahay in Unai Emery uu leeyahay hab tababar gaar ah, wuxuuna doonayaa inuu kooxda dib ugu soo celiyo koobka horyaalada yurub sidoo kalana uu wax badan ka sameeyo horyaalka Premier League.