Philippe Coutinho Oo Qarka U Saaran Inuu Kusoo Laabto Garoonka Anfield Road & Sababta Dib Ugu Soo Celineysa Oo Lasii Qeexay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Kubad sameeyaha Barcelona Philippe Coutinho ayaa filanaya inuu dib ugu soo laabto magaalada Liverpool gaar ahaan garoonkii uu mudada shanta sano ah joogay ee Anfield, maadaama xulka Brazil ay rajeynayaan iney kulan saaxiibtinimo ku ciyaaraan.

Maamulka Liverpool ayaa wadahadal hormarsan kula jira xiriiradda kubadda cagta Brazil iyo Croatia si uu u martigaliyo kulan saaxiibtinimo oo ay labada xul ugu diyaar garoobayan koobka Aduunka ee Russia ka dhici doona bartamaha sanadkaan.

3-da June ayaa la filayaa in loo asteeyo kulanka markaasna waxaa Anfield sidoo kale ku ciyaari kara hadii ay taam yahiin Roberto Firmino iyo Dejan Lovren oo hadad ka tirsan kooxda Jurgen Klopp.

Waxaa la arki doonaa Coutinho oo shan bilood kadib markii uu 142 Malyan oo Pound ugu biiray Barcelona dib ugu soo laabtay Anfield, balse xiran maaliyadda jaalayaasha.

Jamaahiirta waxaa loo balan qaadi doonaa iney daawan doonaan Neymar Junior iyo sidoo kale xidiga ay aadka kooxdooda u xiiseyneyso ee Allison Becker, waana goolhayaha kooxd As Roma.

Dhanka kale Stamford Bridge ayaa qorshaha ugu jiray in lagu qabto, balse Dejan Lovren ayaa ka dhaadhicinaya xiriirka kubadda cagta dalkiisa in Anfield laga dhigo.

Hindisahaan wuxuu ka yimid Croatia iyagoo doonayaan iney la qabsadaan hanaanka wadamada koonfurta America, maadaama ay hal group ku wada jiraan Argentina. Koobka Aduunka wuxuu bilaaban doonaa 14-ka June.

9 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Ahmed 13-02-2018 at 6:55 pm -

    ALLAH KA BAQA CAYDA DHAAFA WAXAANAD OGAYN HA SHEEGINA WALAAL

  2. jimcaale 13-02-2018 at 2:35 pm -

    manunited isthe best team inthe world

  3. jimcaale 13-02-2018 at 2:26 pm -

    aar yaadhaheeen miyaanu qof koox taageeri karin qadhacyay
    liverpool taageertaa

  4. Shadii 13-02-2018 at 1:11 pm -

    xaqiiqda hadii lagahadlo laacib waxey taagero weyn uyihin Man Utd iyo xidiga Barça #Messi.
    waxad uqidmeyneysan umada somaliyed si cadaaladnimo ogu qidmeeya.

  5. Ahmed 13-02-2018 at 12:54 pm -

    Hadii uu soo labto yuu usoo labtay ma livepool mise qaran kiisa waxay umuqata waa qaran kisa tankale laacib. Waa tageere man u. Marka jabka soo garan ma jecla in aya fahfahiyaan

  6. Abdi kafi 13-02-2018 at 12:09 pm -

    Wlhi waa iqiyaanteen

  7. cunaa 13-02-2018 at 12:08 pm -

    laacibnet waa lainiga yaabanyhy gacan culeyskiina wlhy marka ciyaaruhu dhamaadaan masoo galisaan habeenkii dhawayd marki UNITED lagaracay maasoo qortaan markiiba Waa ini fahanaye naadiyaasha sisiman uga hdla

  8. Sulfe 13-02-2018 at 12:06 pm -

    Diini saa u shegtay waaye

  9. Diini 13-02-2018 at 11:39 am -

    Waa idinka xumaaday mowduuca aad soo qaadateen iyo dulucda hadalka ismaba lahan. wax kalaa nooga dhigteen wlhi.