Philippe Coutinho Oo Ka Farxiyay Tababare Ernesto Valverde & Saxeexyada Ree Latin America Ee Kooxda Kusoo Biiray Xagaagan Kaddib Markii Uu Si Rasmi Ah U Helay Dal-Kugalka Portugal.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa ka farxiyay saaxiibadiisa ree Latin America ee xagaagan kooxda kusoo biiray kaddib markii uu si rasmi ah gacanta ugu dhigay dal-kugalka qaarada Yurub gaar ahaan dalka Portugal.

Coutinho ayaa ugu dambayn haysta dal-kugalka qaarada Yurub iyadoo waliba uu helay xilli wax ka yar 42 saacadood ay ka hadhsan yihiin kulanka Final-ka Spanish Super Cup ee ay la leeyihiin kooxda Sevilla, Dal-kugalka uu Phil ka helay dalka Portugal ayaa farxad galinaya tababaraha kooxdiisa ee Ernesto Valverde.

Sababta uu tababare Valverde ugu faraxsan yahay in Coutinho uu gacanta kusoo dhigay sharciga dalka Portugal ayaa ah in haddiiba uusan heleen sharcigaas uu tababaruhu ku qasbanaan lahaa inuu midkood ka tago saxeexyada ree Latin America ee Arturo Vidal, Malcom iyo Arthur Melo isla markaana uusan u xulan kulankaas.

Barcelona ayaan kaliya ugu mahad celinayn dal kugalka Philippe Coutinho balse waxa ay sidoo kale abaal u hayaan xaaska xiddigan oo lagu magacaabo Aine, Aine ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Portugal waxaana la fahamsan yahay inay tahay shaqsiga waxkasta u fududaysay xiddiga ree Brazil.

Coutinho ayaa dal kugalkan ku helay sidii la filayay si ka dhib badan maadaama oo ay wakhti dheer soo jiitamaysay sheekadiisu balse ugu dambayn Blaugrana ayaa xal u heshay dhibkii iyo cabsidii ay ka qabtay in mid kamid ah saxeexyadeeda cusubi uu seego kulanka muhiimk ah ee Sevilla ay balansan yihiin maalinimada axada.

1 Comment

Comments are closed.