Philippe Coutinho & Luis Suarez Oo Daris Ku Noqday Magaalada Barcelona Xilli Lasoo Bandhigay Guriga Cusub Ee Xidiga Reer Brazil.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Ciyaartoyda kubadda cagta qaarkood waxey ku qaadataa muddo iney ku helaan guriga ay dagaan marka ay ku cusub yahiin kooxaha, balse Philippe Coutinho oo aduun dhan 142 Malyan oo Pound ku tagay garoonka Camp Nou wax dhib ah uma marin inuu helo guri balse waxaa si weyn u gacan siiyay Luis Suarez.

Philippe Coutinho waxaa lasoo bandhigay isniintii isagoo xiran maaliyadda kooxdiisa cusub kadib markii uu lacagahii ugu badnaa uga soo dhaqaaqay Liverpool, waana xidiga ugu qaalisan ee laga iibsado kooxaha British-ka ah.

Luis Suarez wuxuu guriga u qabtay Coutinho ka hor inta aysan labada kooxood ku heshiinin lacagta xidigaan, wuxuuna madaxweyne Josep Maria Bartomeu  ku wargaliyay inuusan wiilka imaan doona u baahneyn Hotel.

“Maya, madaxweyne, looma baahna wax hotel ah, anigaa goor hore guri u helay” ayuu yiri Luis Suarez oo la hadlayay Daily Mail.

Dhanka kale Philippe Coutinho ayaa xaqiijiyay sida uu Luis Suarez uga saaciday inuu helo gurigiisa cusub iyo sida ay qoyskiisa ugu qanceen.

“Wuxuu arkay guriga ku dhagan inuu noqon doono mid la heli karo” ayuu Coutinho u sheegay Daily Mail. “Ma uusan ogeyn inaan si hubanti ah u imaanayo, balse wuxuu ka helay fikradda”

“Waa nuuc ficil ah, waxaan aragnay sawirada guriga, wuxu u muuqday cajiib, waan xiririnaa waqti walba, waxaan rajeynayaainaan arko hantida qoyskeyga, waan ogahay in Luis uu ii caawinayo sida inaan joogo gurigeyga”

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Galayr 12-01-2018 at 10:21 pm -

    Haa suerez wa sxb jira siwanaagsan ayuu u soo dhaweeye sxbkiisa

  2. Ayanle abdi 12-01-2018 at 6:30 pm -

    Welcome new house
    Mr coutinho

  3. Khadar xikmaawi 12-01-2018 at 5:34 pm -

    ANIGA WAXAY ILA TAHAY IN SUARES UU KA MID AHAA NIMANKII KU QANCIYEY IN COUNTINHO
    UU YIMADO barcelona
    Wuuna ka caawin doona suares dhinaca gool dhalinta horyalka laligaha
    WAAD IDIN SALAMY DHAMANTIIN