Perez & Zidane Oo La Xiriiray Hazard, Man United Oo Mata Ku Badalaneysa Joao Mario & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Yuruba ka soo baxa.

Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy diirada saaran ee laga yaabo in lala wareego bisha Janaayo marka uu suuqa dib u furmo. Xaqiiqda wararkaan mas’uul kama ah laacib, waxaana xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku hor qoran.


Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyo tababare Zinedine Zidane ayaa xiriri la sameeyay garabka Chelsea Eden Hazard. (Diario Gol)

Kooxaha Everton, Manchester City & West Ham ayaa ku dagaalamaya saxiixa daafaca West Brom Jonny Evans oo 28-jir ah. (Mirror)

Manchester United ayaa dhigeeda Inter Milan ka dalban doonta in Juan Mata oo 29-jir ah ay kaga badashaan Joao Mario oo 24-jir ah. (Corriere dello Sport)

Manchester City & Liverpool ayaa si wadajir ah u doonaya 26-jirka khadka dhexe kaga ciyaara Nice & qaranka Ivory Coast Jean-Michel-Seri kaas oo ay sidoo kale dooneyso Barcelona. (Daily Mail)

Arsenal ayaan wali ka niyad jabin iney heshiis cusub ka saxiixdo Mesut Ozil kaas oo lagu soo waramayo inuu ka tagi doono January. (The Sun)

Xidiga ay doonayaan kooxaha Everton & Arsenal Steven N’Zonzi ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga tagayo Sevilla kadib markii ay isku dhaceen Eduardo Berizzo. (The Sun)

Real Madrid ayaa bisha ayaa lagu soo waramayaa iney dhigeeda Inter Milan kala heshiisay saxiixa Mauro Icardi. (Daily Star)