Pep Guardiola Oo Xiriirka FA-ga Ku Weerary Ansixintii Ganaaxa Istuurka Ciyaartoyda Kuna Tilmaamay Wax Aan Muhiim Aheyn.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa aaminsan in baaritaanka iyo ciqaabaha ka dhanka ah ciyaartoyda istuurta ee dhawaan la hirgaliyay aysan aheyn wax muhiim ah kana dhawaajiyay iney ka muhiimsaneed in lasoo kordhiyo aaladda muuqaalka ee garsoorka ka saacideyda inuu saxo qaladaadkiisa garoonka.

FA-ga ayaa ku dhawaaqay dhawaan in horyaalka Premier League ololaha 2017/2018 la ganaaxi doono kulamo ciyaartoydii lagu helo iney khiyaameen garsoorka si ay kooxdooda u hesho natiijo cadaalad darro ah, waxaana la isla gartay in laba kulan laga fariisiyo garoomada.

Sam Allardyce (Crystal Palace) iyo Paul Clement (Swansea) ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay iyagoo kasoo horjeestay talaabadaan, balse Guardiola ayaa kusoo biirtay.

“Waxey ila tahay in istuurka uusan¬†aheyn muhiimadda ugu weyn ee wax lagu hormariyo. waxaa jiro waxyaabo kale oo aan hormar ku sameyn karno” ayuu yiri Guardiola ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Watford.

“Qof walba ayaa sameeya khalad, ma waxaan u dhaqaaqnay inaan dib u eegno garooska? Maya waa wax mararka qaar dhaca”

“Garsoorka, garsoorka waxey ogyahiin wax walba. waa hormuudka marxaladahaas, waan la qabsanayaa sharciga, xiriirka FIFA, UEFA, waxa ay ka sameeyaan kubadda cagta. wax dhib ah ma lahan waxa aan ka dhaho. falgalkeyga iyo fikirkeyga lama ma xisaabsana. wax walba oo ay go’ansadaan waa inaan aqbalno waana u dhaqaaqeynaa inaan aqbalno ganaaxa iyo kiisaska”

“Tiknoolajiyada waxey garsoorka ka saacideysaa inuu cadaalad ka noqdo waxa garoonka ka dhacaya si uu qaladaadkiisa u yareeyo sababtoo ah waxaa jira qaladaad fara badan. kubadda cagta maanta waa dhaqso, waa xawaare ka hor inta uusan garsooraha imaan si uu xaalada u arko, ciyaartoyda wey badan yahiin, waa kuwa xawaare ku socda, waana sababta ay ugu baahan yahin tiknoolijayada”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments