Pep Guardiola Oo Sii Saadaaliyay In Ku Guuleysiga Horyaalka Ee Xilli Ciyaareedkani Ay Ka Adkaan Doonto Sidii Xilli Ciyaareedkii Hore.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si hordhac ah u saadaaliyay in xilli ciyaareedka cusubi uu noqon doono mid sidii hore kaga adag kooxdiisa kaddib markii ay xilli ciyaareedkii hore qaab ay awoodi ku dheehantahay ku hanteen horyaalka Premier League.

Manchester City ayaa dhigtay rekoodho aan caadi ahayn oo ay kamid yihiin inay noqdeen kooxdii guulaha ugu badan ee hal xilli ciyaareed gaadhay, Kooxdii goolasha ugu badan ee hal xilli ciyaareed dhalisay iyo Kooxdii guulaha ugu badan ee xidhiidh ah ee hal xilli ciyaareed gaadhay.

Xilli ciyaareedkasi Citizens u ahaa mid ay waligood xusuusnaan doonaan balse tababaraha kooxda ayaa filanaya in xilli ciyaareedka cusub ee haatan bilawga ahi uu noqon doono mid sidii hore kaga adag kooxdiisa isla markaana ay kooxaha ay horyaalka ku xifaaltamaan ay sidi hore ka xooganaan doonaan.

Pep ayaa ugu horraynba yidhi “Waxaynu ahayn kuwa ugu fiican sida iska cad, Taas shaki kuma jiro laakiin anagoo kaliyi ma ciyaarno, Waan qaban karnaa shaqadeena laakiin sidoo kale kuwa kale way qaban karaan shaqadooda”

“Waxaan u qaban karnaa shaqadeena si lamid ah sidii xilli ciyaareedkii hore laakiin  Liverpool, United, Arsenal, Chelsea ama Tottenham ayaa qaban kara shaqo ka fiican oo guulaysan kara, Waxaan noqon karnaa kuwo cajiib ah laakiin kuwa kale waxay sidoo kale noqon karaan kuwo cajiib ah, Ma dafiri karno tartamayasha kale, Waxa jiray dhibco noo dhaxeeyay xilli ciyaareedkii hore laakiin xilli ciyaareedkan ma garanayo”

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City oo usbuucii hore xilli ciyaareedka cusub ku furatay koob kaddib markii ay 2-0 kaga qaadeen Chelsea koobka Community Sheild ayaa markale maanta bilaaban doonta difaacashadeeda horyaalka iyagoo kulan xiisihiisa leh marti ugu noqon doona Arsenal Emirates Stadium.