Pep Guardiola Oo Shaaca Ka Qaaday Goolhayehii Uu Kooxdiisa U Ka Codsaday Iney U Soo Iibiyaan Xagaagan

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Oct 19, 2016

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa shaaca kaa qaaday inuu xagaagan doonayay goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc Ander Ter Stegen ka hor inta aysan kooxdiisa u soo Cluadio Bravo.

Isagoo ka hadlayay iney xagaagan la xiriireen ciyaartooy Barcelona ah ayaa yiri ” Waxaad xagaagan qorteen inaan la xiriiray Lionel Messi, Neymar, Luis Suarez, Iniesta, Busquets laakin dhamaantoodna lama aanan hadal”.

“Xaalada Ander Ter Stegen waa mid ka duwan, waxaan ogeyn inuusan faraxsaneyn oo uu doonayay inuu kulan waliba ciyaaro sidaasi darteed waan wada hadalnay laakin ugu danbeyn waxay na siiyeen Claudio Bravo”.

Bravo city

“Ma jiro farqi weyn oo u dhexeeya Cluadio iyo Ander sidasi darteed waxaan helnay Claudio waana ku qanacsanahay”.

Like it? Share it!

Leave A Response