Pep Guardiola Oo Laba Jeer Loo Magacaabay Macalinka Ugu Wanaagsan Horyaalka Premier League & Liiska Tababarayaasha Uu Ku Garaacay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Pep Guardiola Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Macalinka Ugu Fiican Premier League Oo Ay Bixiyaan Ururka Macalimiinta Horyaalka, sidoo kalana wuxuu ku guuleystay tan ay bixiyaan maamulka horyaalka.

Guardiola wuxuu u hogaamiyay kooxda Manchester City guulo waaweyn isagoo goolal iyo dhibcahii ugu badnaa ugu qaaday horyaalka fasal ciyaareedkaan dhamaaday.

Iyadoo ay taasi jirto ayuu macalinka reer Spain nasiib wacan u rajeeyay tababarahii hore Manchester United Sir Alex Ferguson kaas oo u muuqda mid kasoo kabtay xanuun dhanka maskaxda ah.

“Waxaan doonayaa inan abaalmarintaan la wadaago dhamaan macalimiinta kale, waxaana u rajeynayay Alex Ferguson inuu halkaan ahaado oo uu nala wadaago” ayuu yiri Pep Guardiola.

“Waxaan gaarnaa rikooro iyo guulo kuwaas oo aan xasuusano inta ka dhiman nolosheena”

Tababaraha Cardiff City Neil Warnock ayaa la abaalmariyay kaas oo kooxdiisa ay ku guuleysatay Championship-ka halka Wenger la siiyay abaalmarin isagoo maqan.

Guardiola wuxuu abaalmarinta horyaalka Premier League ku garaacay: Klopp, Dyche, Brighton’s Chris Hughton, Crystal Palace’s Roy Hodgson iyo Rafa Benitez.