Paulo Dybala Oo Nasiib U Yeeshay In Uu Ka Garab Ciyaaro Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Dareenkiisii Markii Uu Ogaaday In Ronaldo Uu Juventus Imanayay.

Xidiga xulka Argantina iyo kooxda Juentus ee Paulo Dybala ayaa saxaafada kala hadlay  farqiga u dhexeeya ka garab ciyaarista Cristiano Ronaldo iyo xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Lionel Messi uu kaga soo garab ciyaaray kulamo qaar ee xulka Tango.

Paulo Dybala ayaa waraysi uu siiyay wargayska La Gazzetta dello Sport waxa uuu sheegay inuu doonayo in isaga iyo Cristiano Ronaldo ay si xoogan u hogaamiyaan weerarka kooda Juentus kadib markii ay qaab liita ay kaga bilaawdeen xili ciyaareedkan horyaalka Talyaaniga, xili sidoo kale uu carabka ku adkeeyay inuu rajeenayo in taariikh uu ka sameeyo xulkiisa qaranka Argantina.

Dybala ayaa ugu horeyn wareysigiisa ku bilaabay: “Waxaan dib ugu soo laabtay Talyaaniga, waxaan doonayaa inaan si xoogan ugu diyaar garoobo kulanka Axada, sidoo kale Arbacada waxaan tartanka UEFA Champions League kula ciyaari doono kooxda Valencia, waa tartan igu haboon”.

Intaas kadib Paulo Dybala ayaa wuxuu ka hadlay saaxiibkiisa kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo wuxuuna yidhi: “Waxaa wali madaxeyga ka guuxaya kadib markii aan maqlay imaatinkiisa Bianconeri, waxaan is weydiiyay isla wixii aan isidhi kadib marka la ii sheegay in Messi aan kaga garab ciyaarayo xulka Argantina”.

Paulo Dybala ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Haatan waxaan fursad u heystaa inaan Cristiano Ronaldo kaga garab ciyaaro Juventus, waa wax cajiib ah ee aan la rumeysan Karin la shaqeyntiisa, wax walba waxay u socdaan sida loogu tala galay, kaliya waxaan u baahanahay inaan tababarka ku sii wadno sida laba qof lamaane ah, waxaan fursad weyn u heysanaa xilli ciyaareedkan oo dhan”.

Laacibkii hore kooxda Palermo ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay xulkiisa Argantina wuxuuna yidhi: “Waxaan u imid xulka qaranka Argantina  in aan doonayo la shaqeeynta maamulka cusub, taasoo inoo keeni doonta waxyaabo fiican, si aan u dirno fariimo wanaagsan”.

Si kastaba Paulo Dybala ayaan qarinin sida uu ugu faraxsan yahay inuu kaga garab ciyaaro Cristiano Ronaldo kooxda Juventus, sidoo kale Lionel Messi xulka qaranka Argantina taasoo uu ku tilmaamay inay tahay wax u wanaagsan isla markaana muhiim u ah xirfadiisa kubada cagta, loona baahan yahay inuu ka faa’ideysto.