Paulinho Oo Dhaliyay Goolal La Mid Ah Wadarta Goolasha Ay Dhaliyeen Weeraryahanada BBC Ee Real Madrid Iyo Xaqiiqooyin Kale Oo La Xiriira.

by Saed Balaleti | Sunday, Nov 19, 2017

Real Madrid ayaa ku guuldareysatay inay seddexda dhibcood ku qaadato markii ugu horeysay ee ay booqdaan garoonka Wanda Metropolitano, waxana ay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Barcelona.

Kooxda tababare Ernesto Valverde ayaa hogaankooda sii dheereystay ka dib markii ay ka badiyeen kooxda Leganes, sidaasi oo ay tahay walaaca ugu weyn ee uu qabo tababare Zidane ayaa ah dhibaatada ka heysata dhanka gooldhalinta.

 

Sidaasi darteed BBC waxa ay wadar ahaan xilli ciyaareedkan dhaliyeen afar gool horyaalka, waana tiro la mid ah goolasha uu dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Barcelona Paulinho kaasoo ay taageerayaasha Blaugrana dhibsanayeen markii uu heshiis 40 milyan euro uga soo wareegay kooxda Shiinaha ee Guangzhou Evergrande.

marka laga soo tago xiddiga reer Brazil oo nasiib u leh inuu waqtiga saxda ah soo galo xerada goolka islamarkaana uu dhameystiro, 12 ciyaaryahan ayaa dhaliyay goolal ka badan inta ay dhaliyeen wadar ahaan Ronaldo, Benzema iyo Bae, waxayna kala yihiin:

Lionel Messi (12), Simeone Zaza iyo Cedric Bakambu (9), Christian Stuani, Tonny Sanabria, and Rodrigo (7), Ángel Rodríguez, Mikel Oyarzabal, Iago Aspas, iyo Maxi Gómez (6), halka Luis Suarez iyo Willian Jose ay labaduba dhaliyeen min shan gool.

Marka laga soo tago xaqiiqooyinka shaqsiga ku saabsan, barbarihii shalayto waxa uu ahaa kii ugu horeeyay ee Madrid Derby ee muddo 12 sannadood ah, markii ugu danbeysay ee ay goolal la’aan ku kala baxaan waxa ay aheyd sannadii 2005 kulan ka dhacay Bernabeu.

Sidoo kalena waa markii ugu horeysay ee Real Madrid ay barbaro goolal la’aan ah gasho muddo ka badan labo sannadood iyadoo markii ugu danbeysay ee ay barbar goolal la’aan ah galaan ay aheyd kulan ay September 2015 la ciyaarayeen kooxda Malaga.