Paul Scholes Oo Soo Xushay 11-kii Ciyaaryahan Ee Ugu Wanaagsanaa Ee Uu Uga Garab Ciyaaray Manchester United

Pau Scholes waxa uu magacaabay 11kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa ee uu ka garab dheelo.

700 oo kulan oo uu ku dheelay Old Trafford – laacibka khadka dhexe waxa uu la soo dheelay qaar ka mid ah ciyaaryahanada dunida ugu wanaagsan.

Waxa uu ku guuleystay 11 Premier League, laba FA Cup iyo laba Chanpions League waqtigiisii quruxda badnaa ee Masraxa Riyada.

Scholes waxa uu matalay Red Devils 20 sano oo u dhexeeysay 1993 ilaa iyo 2013.

Laacika khadka dhexe waxaa lagu qasbay in uu ka jawaabo su’aalo adkaa oo ku saabsanaa in uu liis ka sameeyo xiddigii ugu wacnaa ee uu garoon la galo.

MTV ayaa lagu wareystay.

Goolhaye waxa uu u doortay Peter Schmeichel isaga oo ka xushay halyey Van der Sar.

Neville isaga dood badan kama taagna oo uu u xushay dadabka middig, halka Jaap Stamp oo ka galay Nemanja Vidic, Ferdinand ayaa sidoo kale daafaca dhexe ka soo muuqday halka dadabka biddix Denis Irwin ka galay Patrice Evra.

Scholes waxa uu shaxdiisa ku saleeyey 4-3-3 isaga oo iska saaray liiska, waxa uu xushay David Beckham, Ryan Giggs iyo Roy Keane.

Weyne Rooney, Cristiano Ronaldo iyo Ruud Van Nistelrooy ayuu ku dhammeystiray weerarka.

11KII CIYAARYAHAN EE UGU WACNAA EE UU PAUL SCHOLES GAROON LA GALO

Peter Schmeichel; Gary Neville, Rio Ferdinand, Jaap Stam, Denis Irwin; David Beckham, Roy Keane, Ryan Giggs; Cristiano Ronaldo, Wayne Rooney, Ruud van Nistelrooy