Paul Pogba Waa Lionel Messi-ga Manchester United – Qoyska Iska Leh Man United Ee Glazer Family Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Ay Iibinayaa Paul Pogba Oo Ay U Aqoonsan Yihiin Hoggaanka Kooxdooda.

Qoyska ree Maraykan ee Glazer Family oo ah qoyska iska leh mulkiyada kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay ugu dambayn go’aan ka qaateen haddii ay kooxda ka fasaxayaan Paul Pogba oo ay u arkaan Lionel Messi-ga kooxdooda.

Xiddigan kusoo guulaystay tartankii Koobka Aduunka ayaa xurguf xoogani kala dhaxaysaa tababaraha kooxdiisa ee Jose Mourinho kaas oo ay dhawr jeer si toos ah iskugu dhaceen.

 

Dhibaatada ka dhex dhalatay Pogba iyo Mourinho ayaa dhalisay in durtaba kooxo badan lala xidhiidhiyo xiddigan, Kooxda Barcelona oo qayb ka ahayd kooxahaas ayaa xagaagii dhawaa isku day day saxeexiisa waxaana la filayaa inay dib usoo noolayn doonaan xiisahooda xagaaga dambe.

Haddaba, Wargeyska caanka ka ah dalka Spain ee Mundo Deportivo ayaa kusoo warramaya in qoyska Glazer ay inaysan marnaba bixitaan u ogolaan Pogba sababtoo ah inay u arkaan mid kooxda ugu jira booska hoggaamiye ee uu Lionel Messi Barcelona ka qaato.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qoyska Glazer ay qorshaha kooxdooda ee mustaqbalka dhaw ku darsadeen Pogba, Intaa waxa dheer inuu lama taabtaan ka yahay dhinaca Guddoomiye Ku Xigeenka kooxdaas ee Ed Woodward.

Si kastaba ha ahaatee, Paul Pogba ayaa la filayaa inuu waxkasta ka heli doono qoyska leh mulkiyada kooxda taas ayaana ah sheeko u fududayn karta inuu awood cad ku dhex yeesho go’aano badan oo ay kooxdu gaadhayso.