Paul Pogba vs N’Golo Kante: Halyayga Reer France Ee Thierry Henry Oo Kala Xukumay Labada Xidig Ee Man Utd Iyo Chelsea Pogba & Kante.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Feb 13, 2018

Jamaahiirta kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa si wayn ugu dooda midka fiican Paul Pogba iyo N’Golo Kante laakiin waxay hadda u muuqataa in ay heleen garsoore labada xidig dhex u ah oo ay isku dal yihiin kaas oo ah halyayga ree France ahna khabiirka Sky Sports ee Thierry Henry kaas oo sharaxaad ka bixiyay kala duwanaanshaha labadan xidig.

Paul Pogba ayaa kulamadii ugu danbeeyay eedayn badan la kulmayay laakiin jamaahiirta Man United ayaa aaminsan in Pogba uu ka fiican yahay N’Golo Kante halka jamaahiirta Blues ayna marnaba Kante dhaafsadeen xidiga United ee Pogba.

Thierry Henry ayaa si cad u sheegay in Pogba aanu ahayn Kante isla markaana waxyaabo uu Kante la gaar yahay ay yihiin waxyaabo hide-sidihiisa la socda oo aan ahayn wax lala wadaagi karo. Laakiin Thierry Henry ayaa xusay in Pogba uu leeyahay xifrad fiican.

Thierry Henry oo ka hadlaya Pogba iyo Kante ayaa yidhi: ” Marka uu isagu(Pogba) kubbada haysto waxa uu awood u leeyahay in uu saaamyn layaableh kulanka ku sameeyo. Miyuu isagu shaqada qaban karaa?. Haa shaqo wuu qaban karaa, laakiin isagu miyuu yahay N’Golo Kante? Maya”.

Thierry Henry oo Kante iyo Pogba ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Kante waxa uu dareemaa halista, wuxuuna ogyahay waxa ay kubbadu noqon doonto, laakiin taas waxa uu ku haystaa hide-sidaha DNA-da.Paul Pogba waxa in badan DNA-da ku haystaa in uu abuuro, isku dayo in uu xirfado sameeyo sidii aan ku aragnay kulankii Everton”.

Kulamadii ugu danbeeyay waxay dood wayni ka taagnayd booska ugu fiican ee uu Paul Pogba awoodiisa ciyaareed ku soo bandhigi karo laakiin marka la qiimeeyay waxa uu bandhiga fiican xili ciyaareedkan sameeyay kulamadii uu dhexda hore kaga soo bilawday shaxda Mourinho.

7 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. shaafici 13-02-2018 at 4:12 pm -

    N’Golo Kante: Waa Xidig Tayadiisu Aad U Wanagsantahay La Aantiisa
    Chelsea Meel Maba Gaarteen Xili Ciyaaredkan Hada Lagu Jiroh

  2. hanad 13-02-2018 at 1:17 pm -

    xaqiiqada hadii la sheeko Sida Henry Kante waa indheer garad ciyaarta xakamyn karah lkn pogba sidaaz mhan masuuliyada ciyaartana isma saaro lkn kante hmyn kazta guul igo guul daraba Qaab fcn buu soo bandhigaa

    lkn all the best This season King kf assist Kevin De bruyne ninkaaz waa iga yaabiyey xaqiiq

    • Abdirahman Mohamed Salad 13-02-2018 at 1:34 pm -

      pogba waa ciyaar yahay is la weyn ah
      premier league kubadeed waa equal.
      kanta waa ciyaar yahay fiican

  3. Sulfe 13-02-2018 at 12:11 pm -

    Laacibiinta muslimiinta ah cadaadis aya lagu hayaa

  4. miskiin alle 13-02-2018 at 12:01 pm -

    is barbar dhiga kante iyo pogba cadaalad maaha isku boosba maahe maxaa iska galay kubad burburiye iyo kubad sameeye ayey kala yihiine waxay kala yihiin sida ay u kala duwan yihin sida ay u kala duwan yihiin mousa dembelle iyo De bruyne

  5. miskiin alle 13-02-2018 at 11:55 am -

    hal maalin buu booskiisa saxda ah ka ciyaaray pogba waa la yaabay wuxuu sameynaayey waar ninka Naagtan mourinho yaa ka qabta hadaba

  6. miskiin alle 13-02-2018 at 11:52 am -

    wlhi pogba dhib baa haysta mourinho waa munaafiq wuxuu rabaa inuu difaac ka dhigo wiilkaas kubad sameeyaha ah ama kubad burburiye oo dhex danbe ah waxaan garan waayey reer yurub uma ogolaadaan laacibiinta madow inay ka ciyaarsiyaan kubad sameeye waana booska laysu Arko Anigu MANCHESTER UNITED waan necebahay lkn waxaan aqaanaa pogba hadaad dhex hore laga ciyaarsiiyo sharkiisu ma yara lkn mourinho taas u ogolaan maayo waana wixii ku dhacay yaya toure oo ahaan jiray kubad sameeye laga yaabay ilaa guardiola uu difaac ka gaadhsiyey inuu ka ciyaarsiiyo