Paul Pogba Oo Tababarkii Shalay Iska Soo Iloobay Kabahiisa Kubadda Cagta & Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Culeyska Saaran Xidigaan.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Saxiixa ugu qaalisan kubadda cagta Paul Pogba ayaa shalay tababarka Manchester United kusoo laabtay waxeyna aheyd markii ugu horeysay oo uu soo xaadiro tan iyo dhimashada aabahiis kaas oo ku geeriyooday faransiiska maalmo ka hor.

Paul Pogba kama uusan qeyb qaadan kulamadii ay kooxdiisa la ciyaartay Tottenham Hotspur iyo sidoo kale Southampton madama uu ku mashquulsanaa dhibaatada soo wajahday, balse shalay ayuu si toos ah tababarka ugu soo laabtay isagoo diyaar u ah inuu wajaho kulanka Axadda dhici doona ee ay la ciyaarayaan Crystal Palace.

Sida laga gartay labiskiisa – Paul Pogba ayaa iska soo iloobay kabahiisa kubadda cagta ee uu mar walba tababarka ku imaan jiray madama uu baryahii ugu dambeeyay tababar sameynin waxaana la arkayay isagoo ku tababaranaya kabo aan aheyn kuwa garoomada lagu galo.

Dhanka kale 24-jirkaan heerka caalami ayaa xamili waayay culeyska lacagaha laga soo bixiyay sida uu ka dhawaajiyay Jose Mourinho kaas oo sheegay in xili ciyaareedka dambe ay indhaha caalamka oo dhan ka jeesan doonaan madama ay macquul tahay in la helo xidig ka qaalisan.

Macalinka reer Portugal wuxuu aad uga niyad jabsan yahay sida qof walba uu diirada u saartay xidigiisa kaas oo aan xili ciyaareedkaan waxqabad muuqda la imaan marka la fiiriyo hanaankiisa kooxda iyo horyaalkaba.

“Waxaan u maleynayaa dhibaatada waa lacagta, lacagaha ku sumadan dhabarkiisa”

“Waxaan rajeynayaa in xagaaga soo aadan inuusan sinaba u noqon saxiixa ugu qaalisan isla markaana uu cadaadiska qof kale u weecdo” ayuu yiri Jose.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments