Paul Pogba Oo Maanta Raajo La Saari Doono, Mudada La Filayo Inuu Maqnaado & Jamaahiirta Red Devils Oo Si Weyn Uga Walwalsan.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Sep 13, 2017

Kubad sameeyaha Manchester United Paul Pogba ayaa laga saaray xalay kulankii ay kooxdiisa 3-0 kaga adkaatay FC Basel kulan ka tirsan Champions League wareegiisa group-yada kadib markii uu xanuun ka dareemay muruqa lugtiisa bidix.

Kabtankii Red Devils ee xalay kaliya 18-daqiiqo ayuu nasiib u yeeshay inuu u ciyaaro kooxdiisa, waxaana lagu badalay Maroune Fellaini oo goolka furitaanka Man United ee tartanka dhaliyay.

Paul Pogba waxaa la arkay isagoo ku boodaya biro kadib guushii ay kooxdiisa gaartay, waxaana loo gartay iney dhibaato xoog leh soo gaarta, sida ilo ku dhaw kooxda ay xaqiijiyeen maanta ayaa la saari doonaa raajo si loo ogaado xadiga dhibaatada gaartay walow si hordhac ah loo ogaaday in dhaawaca gaaray uu yahay mid darajada koowaad ah ama kan labaad ah.

Calaamadaha hordhaca ah ee laga arkay dhaawaca xidigaan ayaa lagu qiyaasay inuu muddo dhawr todobaad ah garoomada ka maqnaan doono.

Sida la hubo wuxuu seegi doonaa kulanka Everton ee axadda dhici doona, ugu yaraan laba ilaa afar todobaad ayuu garoomada ka maqnaan karaa Paul Pogba.

“Ma garan karo, waxey u muuqatay dhaawac muruqa ah” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Ma ooyi doono, Paul ma heleyno Axadda”

“Waxaan heysanaa Ander, Carrick, Fellaini iyo Matic”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments