Paul Pogba Oo Ka BAQAYA In La Ciqaabo Haddii Uu Runta Ka Sheego Xiriirka Ka Dhexeeya Isaga Iyo Jose Mourinho

Paul Pogba waxa uu ka cabsi qabaa in la ciqaabo haddii uu runta la sheego xiriika dhabta ah ee kala dhexeeya Jose Mourinho.

Laacibka koobka aduunka ku soo guuleystay waxa uu kabtannimo ku hoggaamiyey United kulankeedii kowaad ee horyaalka isaga oo gool ku laad uu dhaliyey hoggaanka ugu dhiibay ciyaartii Leicester kana caawiyey in ay 2-1 ku badiyaan.

25 jirka waxaa kaydka looga soo tagay kulamo waa weyn xilli ciyaareedkii hore kaddib markii la wariyey in ay ismaan dhaafeen tababaraha.

Taas waxa ay horseeday in xagaagan aad loola xiriiriyo in uu tagayo xilli Barcelona ay aad u dooneysay.

Wixii intaa ka dambeeyey, waxa uu u sheegay the Sunday Express: ‘Waxaa jira wax aan sheegi karo iyo wax aanan sheegi karin….haddii kale waa la I ciqaabi doonaa.

“Marka ay dadku ku aaminaan, markaa maskaxdaada wey fiican tahay weyna kuu fududaanayaan waxyaabaha.

“Mar walba waxa aan awoodo ayaan siiyaa taageereyaasha, koox wadaageyga iyo dadka I aaminay.”