Paul Pogba Iyo Anthony Martial Waxa ay Manchester United U Soo Xero Galin Karaan Xiddiggan -Dwight Yorke

Paul Pogba iyo Anthony Martial waxa ay door hoggaamineed ka ciyaari karaan in xagaagan Manchester United soo xero galiso mid ka mida weeraryahanada loogu hadal haynta badan yahay dunida, sidaas waxaa qaba Dwight Yorke.

Laacibkii hore ee Red Devils waxa uu qabaa in wali Mancehster United taagan tahay meeqaab ay ku soo jiidato xiddigaha ugu caansan aduunka.

Laakiinm Dwight Yorke waxa uu aaminsan yahay in xiddigaha hadda jooga ay ka caawin karaa in ay hesho laacibiinta hormuudka dunida u ah maanta.

Hal ciyaaryahan oo si weyn diiradda ugu saaran Manchester United oo ay ku raad joogtay ilaa iyo dhawr xagaa waa Antoine Griezmann.

27 jirka waxa uu France kaga garab dheelay Pogba iyo Martial, Yorke waxa uu qabaa in ay United saxiixiisa ka saacidi karaan.

“Marka aad tahay koox weyn waxaad fursad u haysataa oo aad haysato saaxibadda ciyaaryahanka ee ay qaranka ka wada tirsan yihiin waxaa way waddo u tahay kooxda iibsaneysa,” ayuu yiri Yorke.

“Waan hubaa wey caawineysaa haysashada Pogba iyo Martial taas ayaana noqon karta go’aamiyaha haddii uu heshiisku dhaco. Waxaa rejeeynayaa in taasi arintu ahaato.”