Ozil Oo Diiday Inuu Beeniyo Wararka La Xiriirinaya Ku Laabashada Real Madrid

by Abdirahman Qoslaaye | Friday, Dec 2, 2016

Xidiga Arsenal Mesut Ozil ayaa diiday inuu beeniyo wararka isaga la xiriirinaya inuu ku laaban doono kooxdiisi h--e ee Real Madrid isagoona shaki sii galiyay mustaqbalkiisa garoonka Emirates Stadium.

Xidiga heerka caalami ee xulka Germany ayaa ka tagay Madrid sanadii 2013 wuxuuna kamid noqday xidigaha ugu fiican horyaalka Premier League laakin wuxuu diidan yahay inuu kordhiyo qandaraaskiisa Arsenal ee dhacaya bisha June 2018, twaxaana jira warar sheegaya inuu ku laaban doono Madrid.

“Inaan ku laabto Madrid? Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u ciyaaro koox sida Arsenal u weym oo leh taageerayaal cajiib ah kuwaasoo ii muujiya jaceyl, waana ku raaxeysanayaa nolosha London laakin marna ma ogid waxa dhici kara”  ayuu Ozil u sheegay Marca.

mesut-ozil-arsenal-premier-league_1gzq6xwkjgezm11f4vh3rf6bjz

“Nafteyda waan ugu raaxeynayaa London, laakin waan arki doonaa waxa dhaca, Madrid waa koox weyn, waxaana halkaas kula soo ciyaaray ciyaartooy cajiib ah. taageerayaasha Madrid na waa kuwo daacad ah marwaliba magaceyga ayeey ku heesayeen, asxaab badan ayaa fariimo ii soo dira oo iga codsada inaan soo laabto”

“Xusuuso aanan caadi aheyn ayaa iga yaala Madrid. Sadex sano oo aanan caadi aheyn ayaan ku soo qaatay halkaas.”

Inuu ku laabto Santiago Bernabeu ayaa sababi karta inuu la shaqeeyo markale maclain Zinedine Zidane oo ah halyeeygiisa wuxuna yiri “Zidane waa halyeeyga aan ku daydo, waligey waan daawan jiray isaga. markaan caruurta ahaa waan jeclaa ka ciyaarista booskiisa, waana macalin weyn, wuxuu ku guuleystay Champions League wuxuuna leeyahay shaqsiyad weyn”.

Like it? Share it!

Leave A Response