Owen Hargreaves Oo Murugo La Dareemay Jamaahiirta Chelsea Ee Kooxdooda Barcelona Lagu Aadiyay Champions League-ga-Muxuuse Ka Yidhi Kooxaha Kale Ee Premier League?.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Dec 11, 2017

Xidigii hore ee kooxda Manchester United ee Owen Hargreaves ayaa sheegay in uu murugo la dareemayo jamaahiirta kooxda Chelsea ee kooxdooda lagu aadiyay Barcelona ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League laakiin waxa uu sheegay in Manchester City oo lagu beegay FC Basel ay tahay kooxda ugu farxada badan halka uu sidoo kale xusay in kooxaha Manchester United iyo Liverpool ay heleen isku aad fiican.

Owen Hargreaves ayaa aminsan in Tottenham ay soo dhaafi karto kooxda Juventus maadaama oo ayna kooxda ree Talyaani lahayn awoodii looga bartay. Tottenham ayaa heerkii groupyada guul wayn ka soo gaadhay Real madrid iyada oo waliba kaalinta kowaad kaga soo baxday groupkeeda.

Ugu horayn Owen Hargreaves oo ka hadlaya Tottenham iyo Juvnetus isla markaana sii raacinaya  Chelsea iyo Barcelona ayaa yidhi: ” Xaqiiqdii Tottenham way adag tahay. Juventus lama mid aha sidii hore isla markaana waxaan aaminsanahay Tottenham. Waxaan rumaysanahay in ay ka soo gudbi karaan Juventus. Xaqiiqdii waxaan murugo la dareemayaa jamaahiirta Chelsea sababtoo ah Barcelona, kaasi waa mid adag”.

Owen Hargreaves oo ka hadlaya kooxaha kale ee Manchester Unnited, Manchester City iyo Liverpool iyo isku aadkii la sameeyay ayaa yidhi: ” Laakiin waxaan filayaa in haddii aad  Manchester United iyo Liverpool tahay aad faraxsan tahay. Manchester City ayaa noqon toonta kuwa cidwalba ka farxada badan. Basel waa isku aad cajiib iyaga u ah”.

Owen Hargreaves oo marklae si gaar ah u soo qaatay Chelsea ayaa yidhi: “Xaqiiqadii Chelsea waa mid adag laakiin Conte waa tababare tatiko difaac leh kaas oo uu qaab difaac natiijo kaga helo Barcelona”.

Waxaa loo arkaa in shantii kooxood ee Premier Leaque matalayay ay Chelsea noqotay kooxda ugu nasiibka xun ee ay isku aadka ugu adag la kulantay inkasta oo heerka 16ka kooxood uu noqon doono mid koox kasta aan u sahlanayn.

12 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. liibaan 12-12-2017 at 7:51 pm -

    war Chelsea iyo barca wey is fahan sanyihiin 8 games ayey kulmeen hal jeer wx dheer Chelsea marka wey iska caddahay

  2. MoHammet 12-12-2017 at 7:17 pm -

    Chelsea iyo Barca waxaan ognahay inay izku tarikh yihiin marka laga hadlayo xaga tarikhdooda maadamay 5 chelsea badisay 5 laga badiyay 5 barbara galeen sidaas darteen waxaan Amiin sanahay inay cHelsea dufaacii lagu yaqaanay ku dhafi karto barca iyo wax la halmaala

  3. bulaa Cade 12-12-2017 at 1:59 pm -

    Chelsea by by forca barca

  4. axmed 12-12-2017 at 1:26 pm -

    somalia marka hore h soo dhaafto jamhuriyada parakaysan ee somaliland

  5. axmes 12-12-2017 at 1:26 pm -

    somalia marka hore h soo dhaafto jamhuriyada parakaysan ee somaliland

  6. PULPUL PULPUL 12-12-2017 at 1:25 pm -

    WAAR WAXN BARCA LAGU ZHEEGAYO WALIGAYO AYAANU KA WXAYZAN JIRNEY NIO WAX KLE NOO KEENA
    CHEL: 2=BAR 1
    BAR: 2 =2 CHEL

    GUUUL BLUES

  7. diinar 12-12-2017 at 1:22 pm -

    oo ah tagere blues cabsi badan baan ka qabaa kulan kaa sababtoo ah barcelona waa naadi uu qaab ciyaareedkiisu aanu isbadalin waad aragtaan neymarba ka tagay hadana hal kulan lagama badadin xaga liga iyo championka toona liga iyagaa hogaaminays chamionkana one bay kusoo baxday cheleasna xaladeeda waynu lasoconaa sandkan mafiina markaa waxan qabaa nasiibkii chelsea wuu xumaaday

  8. axmed zaki xidiga togdheer 12-12-2017 at 12:59 pm -

    wxn filayaa in blues ay xasuuq ugaysan doonto Barcelona home and away

  9. abdisaln 12-12-2017 at 12:02 pm -

    Barcelona waa koox xoogan lkn Chelsea kama liidato lkn Chelsea way garacidoontaa Barcelona

  10. c/laahi mansuuri 12-12-2017 at 10:43 am -

    waxay ilatahay inay kooxda chelsea 4 & 2 barcelona kaga badin donto wax ila arka marka lagaadho

  11. hassan mohamed 12-12-2017 at 8:35 am -

    waxan u maleeyaa in man united,city liverpool ay usoo bixi doonaan sideed dhamaandka lkn xlda waxay ku cakirantahay chelsea

  12. Run sheeg 12-12-2017 at 4:57 am -

    Ingiiriiska wax ka oohiin xun waa afkanool itaal baranbaro 66 kii ba cup aduun ugu danbaysay intaa kale markhati bay ka ahayeen somaliya dhanta kana rajo dhaw insha allaah markan dawlad dhisano ee aan xul waran yelano ingiriiskan ka qadayna finalka