Ogow Xilliga Ay Kooxda Real Madrid Saxaafadda U Soo Bandhigi Doonto ‘Neymar-ka Cusub” Vinicius

Bisha Luulyo waxa ay Vinicius u tahay mid hawlo badan, khamiista waxaa loo soo bandhigi doonaa saxaafadda iyo taageereyaasha Real Madrid.

Kaddib markii uu u dabaal dagay sanadguurdiisii 18-aad ee dhalashadiisa ka soo wareegtay waxa uu u duula Spain.

Kulamada loogu diyaar garoobayo ol’olaha cusub waxa uu bilaaban doonaa isniinta iyada oo uu Vinicius yahay mid ka mida xiddigaha uu ku tashanayo Julen Lopetegui.

Markii hore waxaa la qorsheeyey In koox Spainish ah amaah lagu siiyo si uu kubadda dalka ula qabsado ama dal kale oo Yurub ah balse bixitankii Cristiano Ronaldo ayaa fursad siiyey.

Khamiista, 19-ka Luulyo, ayey Real Madrid saxaafadda u soo bandhigi doontaa Vinicius.

SAGOOTIN

Markii uu 18 jirsaday waxa uu ciyaaryahanka xaflad ku qabsaday Xeebta Rio ee deegaanka Barra da Tijuca ee magaaladiisa.

Sawiradda uu soo dhigay Instagram-kiisa ayaa muujinayey sida uu ugu faraxsan yahay nolosha cusub ee uu waayihiisa galayo.

Mar dhaw nolol maaleedkiisii caadiga ahaa waxaa bedeli doonaa tababarada Valdebebas ee uu dusha ka hagi doono tababare Lopetegui.