Ogow Sababtii Ay United Ku Weyday Saxiixa Fernandez Xilli Ay Diyaar La Ahayd Qiimihii Ay Atletico Ku Rabtay Oo Ahayd £71million

Manchester United waxa ay ku guuldarreysatay saxiixa Luca Fernandez marka laga yimaado in ay gaadhay qiimihii ay Atletico Madrid ku iibineysay, £71million.

Jose Mourinho wey ka go’neyd in uu la soo wareego daafaca xilli Harry Maguire iyo Toby Alderweireld iyagana uu ka dhigtay labadiisa bartimaameed ee ugu sarreeya.

Hernandez oo ilaa iyo 2014 ka ahaa joogto safka Atletico ayaa isna noqday bartilmaameed misaan ku leh Mourinho.

Waxaa la wariyey in toddobaadkii kowaad ee Agoosto in ay Man City iyo Man United dalabyo ka gudbiyeen laacibka reer France.

Manchester United waxa ay gaartay qiimaha lagu bur burin karay qandaraaskiisa oo ahayd £71m halka ay diyaar u ahayd in ay mushaarkiisa laba laabto.

Hase ahaatee, laba maalmood oo uu taxadar sameenayey, sid ay Marca sheegtay Hernandez waxa uu go’aansaday in uu diido United maadama ay ka go’neyd baaqi ku ahaanshaha Atletico.