“Nin Rag Ah Noqo!”, – Dani Alves Oo Sheegay In Hadda Uu Qaan Gaadh Noqday Neymar

Dani Alves waxa uu sheegay in uu Neymar la hadlay koobkii aduuka kaddib oo uu talo siisay.

Laacibka reer Brazil waxa uu dhalleeceyn xooggan kala kulmay hab-dhaqankiisi koobka aduunka oo sabab u ahayd in ay Belgium-ka ku reebaan sideed dhammaadka.

Alves waxa uu aamiinsanaa in ay ahayd in uu kala hadlo Neymar hab-dhaqankiisa si uu is bedelka uga faa’iido mustaqbalka fog.

“Dharbaaxooyinkii soo gaadhay ayaa ka caawiyey in uu qaan gaadho oo uu badalo hab-dhaqankiisii,” waxaa sidaas yiri Alves.

“Waa in aad joojisaa wiilnimada oo aad noqotaa nin rag ah.

“Marka aad nin rag ah tahay waxaa aad muhiim u ah hab dhaqankaaga, go’aanadaada.”

Neymar waxyaabaha aadka loogu eedeeyey waxaa ka mid ah istuur tuurka iyo jilniika siiba intii uu socday koobkii aduunka.

Waxaa dhalleeceynta u dheeraa in laga sameeyey muuqaalo mujaajillo ah xataa koobkii aduunka kaddib.