Nin Ay Mohamed Salah Saaxiibo Yihiin Oo Si Wayn Uga Farxiyay Jamaahiirta Liverpool Iyo Xog Muhiim Ah Oo Bixiyay.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jun 18, 2017

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa fariimo badan isku dhaafsanaya baraha bulshada kadib markii ah heleen war farxadeed isla markaana uu nin ay Mohamed Salah saaxiibo yihiin uu xidiga ree Masar ugu hambalyeeyay inuu Liverpool ku biiray.

Ninka jamaahiirta Liverpool warka ay doonayeen u sheegay isla markaana farxada wayn siiyay ayaa la yidhaa  Mohamed Ali kaas oo bartiisa facebook ugu hambalyeeyey Mohamed Salah si la mid ah dadka ree Masar wuxuuna sheegay in Mahamed Salah uu haddaba si rasmi ah ugu biiray Liverpool.

Sidii aanu warkii hore idiinku soo gudbinay websiteka ree Masar ee KingFut ayaa maanta sheegay in Mohamed Salah uu goostay tikidhkii uu Liverpool ugu duuli lahaa isla markaana uu talaadada mari doono tijaabada caafimaadka Reds balse warka  Mohamed Ali ayaa noqday mid farxad kale ku sii abuuray.

Mohamed Ali oo horeba loo arkay isaga oo dhawr jeer la kulmaya Mohamed Salah isla markaana ay sawiro soo wada gali jireen ayaa qoraal uu ku soo qoray luuqadaha carrabiga iyo Iniriisiga waxa uu ku shaaciyay in Mohamed Salah uu Liverpool ku biiray.

Qoraalka kowaad ee barta Facebook ee Mohamed Ali uu soo dhigay ayaa ahaa: “Nasiib wanaagsan walaal Liverpool , waxaad tahay halyay waxaanad u qalantaa Anfield”. Wuxuuna qoraalkani keenay in markiiba ay jamaahiirta Liverpool xogtan si wayn u soo dhaweeyaan.

Markale  Mohamed Ali ayaa qoraal carrabi ah ku yidhi: ” Hambalyo reer Masaraw, Mohamed Salah waxa uu si rasmi ah ugu biiray Liverpool, waxa uu buukintay tikidhkii wuxuuna safrayaa talaadada si uu u saxiixo”.

Ninkan ay Mohamed Salah saaxiibaha yihiin ayaa sidoo kale qoraaladan soo raaciyay sawiro ay xidiga ree Masar wada galeen iyo waliba sawir uu maaliyada Liverpool xidhan yahay oo uu soo dhigtay boga hore ee bartiisa Facebook.

Liverpool ayaa la sheegay in ay Mohamed Salah ka soo bixinayso lacag dhan 40 milyan oo euros iyada oo la filayo in 5 milyan oo euros ay dheeraad ku bixin doonto haddii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooxda Jurgen Klopp ee Reds.

Sidoo kale warbaahinta Talyaaniga ayaa si wayn uga hadlaysa xaalada Mohamed Salah oo hadda u muuqata in uu soo dhamaanayo waqtigii ay jamaahiirta Liverpool sugayeen in uu Anfield ku soo biiro.