Nicolas Sarkozy Oo Daawan Doona Kulanka PSG & Real Madrid, Inuu La Kaftamay Al-Khelaifi & Walaaca Uu Ka Qabo Real Madrid Oo Laga Wareystay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Monday, Feb 12, 2018

Paris Saint Germain ayaa Arbacada soo booqaneysa garoonka Santiago Bernabeu si ay ula ciyaarto kooxda Real Madrid kulanka lugta hore wareega 16-ka, balse waxaa la xaqiijiyay inuu daawan doono madaxweynahii hore dalka France Nicolas Sarkozy.

63-jirkaan wuxuu taageero daacad ah u yahay kooxda wadankiisa ee Paris Saint Germain, iyadoo la xasuusto inuu kulamo badan kasoo qeyb galay kulamadooda Parc des Princess, balse markaan wuxuu daawan doonaa iyagoo kulan dhimasho ah ku ciyaaraya Santiago Bernabeu.

Xilli ciyareedkii hore ayuu yimid Spain markaas oo uu daawaday kooxdiisa oo ku hor qasaareysa Barcelona kulankii mucjisada lahaa ee sida xun loo reebay Paris Saint, balse markaan ma doonayo inuu arko dhibtaas.

Nicolas Sarkozy ayaa shaaca ka qaaday inuu ka walaacsan yahay kulanka maadaama Real Madrid ay tahay koox weyn, sidoo kalana wuxuu la kaftamay Nasser Al-Khelaifi isagoo u sheegay inuusan fariisan meel u dhaw agaasimayaasha Real Madrid maadaama uusan caawin karin.

“Waan walaacsanahay sababtoo ah Real Madrid waa koox weyn” ayuu yiri Nicolas Sarkozy isagoo wareysi siinayay wargeyska L’Equipe.

Dhanka kale warbaahinta Spain gaar ahaan Marca waxey sheegtay in madaxweynahii hore uu aad u xushmeeyo Los Blanocs maadaama ay aad isugu dheer yahiin halyeeyga kooxda kana mid ah haatan maamulka kooxda Emilio Butragueno.

Labadaan shaqsi ayaa kulmay xilli Madrid ay xus u sameyneysay halyeeygii reer France ee 3-dii March 2017 geeriyooday Raymond Kopa.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Abdihakiin 13-02-2018 at 2:40 pm -

    Real madrid waa nadi adag waaka sheegay madaxweynaha france marka real madrid way garacaysa psg habeen danbe

  2. IBRAAHUIN 12-02-2018 at 3:20 pm -

    waa soo dalee sheh duq a tahy iska laabo