Neymar Oo Lagula Taliyay United, Conte Oo Doonaya Sanchez, Qorshaha Pep & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Tottenham ayaa quuldareyneysa dalab 25 Malyan oo pound ah oo ay dib kula soo wareegeyso 27-jirka reer Iceland Gylfi Sigurdsson, kaas oo Swansea City ku biiray sanadkii 2014. (Daily Mail)

Pep Guardiola ayaa qorsheynaya inuu 80 Malyan oo pound kula soo wareego Wiilliam Carvalho oo 25-jir ah iyo Gelson Martins oo 22-jir ah kana wada tisan qaranka Portugal. (The Sun)

Mauricio Pochettino ayaa aaminsan in Sigurdsson uu yahay mid ka wanaagsan kana raqiisan  Ross Barkley, kaas oo ay Everton ku dooneyso 50 Malyan oo Pound. (Daily Star)

Weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette kaas oo 25-jir ah ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo kooxdisia dhamaadka xili ciyaareedkaan, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu Antoine Griezmann kula biiri karo Atletico. (L’Equipe)

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu mar kale la midoobo kubad burburiyaha Chelsea Nemanja Matic kaas oo 28-jir ah. (Manchester Evening News).

Antonio Conte ayaa doonaya inuu bartilmaameedka koowaad ka dhigto Sanchez oo 28-jir ah iyadoo Arsenal ay isku diyaarineyso iney u ogolaato xidiga reer Chile inuu dhameesto qandaraaskiisa dhacaya sanadka soo aadan. (Independent)

Manchester City da’yarkeeda Gabriel Jesus oo 20-jir ah ayaa ka codsaday kooxdiisa ineysan iibin 28-jirka reer Argentina Sergio Kun Aguero. (The Sun).

Aabaha Neymar oo kula taliyay wiilkiisa 25-jirka ah inuu u wareego Man United si uu kaga hoos baxo hooska Lionel Messi. (Diario Gol).

Manchester City ayaa diyaar u ah iney Man United kula xifaaltanto loolanka saxiixa goolhayaha Benfica Ederson oo 23-jir ah. (Mirror)

Gareth Bale ayaa maamulka Real Madrid u sheegay iney lasoo saxiixdaan 17-jirka Liverpool iyo qaranka Wales Ben Woodburn. (Don Balon)

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments