Neymar Oo Illinta Isku Celin Waayay Markii La Dhex-geeyay Guri Dib Loo Sameeyay Oo Muujinaya Sidey Aheyd Noloshiisii Caruurnimada.

Neymar Junior ayaa illintiisa ceshan waayay markii uu si madadaalo ah ugu dhex socday guri dib loo sameeyay oo muujinaya sidey aheyd noloshiisii caruurnimada, TV-ga caanka ah ee GLobe ayaana kusoo bandhigay barnaamijka Caldeirão do Huck.

Xiddigaan reer Brazil ayaa ka mid xidigaha loogu jecel yahay wadankiisa, waana kan ugu sarreeya markey noqoto in lasoo hadal qaado ciyaartoyda dalkiisa u mataleysa koobka Aduunka, sidaas oo ay tahay waxaa dib loo xasuusiyay noloshiisii hore iyadoo hooyadiis iyo walaashiis ay garab ku siiyeen TV-ga inuu abuuro gurigii uu Neymar ku noolaa marka uu caruurta ahaa.

Gurigii ugu horeeyay oo uu Neymar ka daganaa San Vicente meesha la yiraahdo oo ku yaala xeebta Sao Paolo ayaa muuqaal laga sameeyay, waxaana suuragashay in ka hor inta uusan soo raacin qaranka Brazil la geeyay guriga.

Guriga waxaa ka muuqda kubado, sidoo kale waxaa ku dhagan sawirada qaar ka mid ah qoyskiisa iyo koobab uu soo qaaday waqtigaas.

Marka uu furay guriga albaabkiisa, Neymar waxaa soo dhaaftay ilmo maadaama uu dib u gocday noloshiisii hore iyo sida uu u noolaa markuu yaraa.

Sidoo kale muuqaalka waxaa kala soo muuqday walaashiia Rafaella iyo gacalisadiisa Bruna Marquezine kuwaas oo rabay iney arkaan khibradda uu Neymar u leeyahay xusuusta noloshiisii hore.

Hooyadiis waxey tiri: “Wuu isoo fiiriyay, wuxuuna igu yiri: “Sabab hooyo?” waana garan waayay sida aan isaga ugu jawaabo”

TV-ga wuxuu si weyn ugu guuleystay inuu abuuro gurigii uu ku noolaa Neymar isagoo caawinaad ka helay waalidka xiddigaan.

1 Comment

Comments are closed.