Neymar Oo Caafimaadka U Maray Real Ka Hor Imaatinkiisa Barca- Perez Oo Ka Sheekeeyay Sidey Ugu Dhawaadeen Saxiixa Xidig Reer Brazil.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay qarka u fuushay helitaanka Neymar Junior ka hor inta uu xidiga reer Brazil ku biirin Barcelona.

Los Blancos ayaa sameysay dadaalo waaweyn oo ay ku damacsaneed iney kula saxiixato Neymar, ka hor inta aan la fashilin waqtiyadii ugu dambeeyay.

“Neymar wuxuu ka gudbay tijaabada caafimaad isagoo ku sugan Madrid,waxaan isku daynay inuu yimaado. balse waxaan aragnay ineysan suuragal noo aheyn, waana ka baxnay heshiiska” ayuu yiri Perez oo la hadlayay Onda Cera.

Neymar Junior wuxuu ku biiray Barcelona sanadkii 2013 iyadoo xiligaas ay aheyd waqti uu Perez ku guuleystay tartankii doorashada madaxtinimo, waana u caado inuu mar walba sameeyo saxiix weyn.

Real Madrid guuldaradii saxiixa Neymar Junior waxey ku dhiirigalisay iney lacago rikoor ah kula soo wareegaan Gareth Bale.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments