Neymar Junior Oo Doonaya Inuu Mar Kale Rikoorka Suuqa Kala Iibsiga Jabiyo Isagoo Damacsan Inuu Ku Biiro Real Madrid – Wargeyska Marca.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Neymar Junior ayaa mar kale jabin kara rikoorka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda isagoo markaan u wareegaya Real Madrid, xidigii hore Barcelona wuxuu noqday saxiixa ugu qaalisan dunida bishii August ee lasoo dhaafay markii uu 198 Malyan oo Pound ku tagay Parc des Princess.

Balse lix bilood oo uu joogay Fracne, waxey u muuqataa xidigaan reer Brazil inuu isha ku hayo mar kale inuu suuqa gilgilo isla markaana uu sameeyo dhaqaaq weyn sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha wadanka Spain.

Marca report that PSG star Neymar is a priority target for Real Madrid in the transfer market

Bogga hore wargeyska Marca cadadkiisii maanta oo jimco ah ayaa lagu daabcay in 25-jirkaan reer Brazil uu yahay Glaticada ay ku dhiiran karto kooxda ka dhisan caasimadda, balse wuxuu ugu qiimeysnaan karaa aduun dhan 357 Malyan oo Pound.

Neymar waxaa la aaminsan yahay inuu doonayo dhaqaaqidda, wiilka reeer Brazil ayaana bixinaya durba rabitaan ku aadan inuu maalin ku ciyaaro Bernabeu – inkastoo wali taariikhdiisa ay taalo Barcelona.

Sidoo kale wargeyska kasoo baxa Madrid wuxuu shaaca ka qaaday in siyaasadda heshiisyada Glaticada ah ay dooneyso iney kooxda soo nooleyso madama ay ugu dambeysay James Rodriguez oo ay 2014 kasoo qaateen As Monaco.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. mubaarik mmi 12-01-2018 at 7:18 pm -

    the best team