Nemanja Matic Oo Ogolaaday In Uu Juventus Ku Biiro Oo Ka Leexdo Man United Iyo Xidiga Ree Serbia Oo Chelsea Hal Arin Ka Dalbaday.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jul 17, 2017

Xidiga xulka qaranka Serbia iyo kooxda Chelsea ee Nemanja Matic ayaa aqbalay in uu ku biiro kooxda koobka horyaalka Talyaaniga difaacanaysa ee Juventus oo waqti dheer saxiixiisa doonaysay wuxuuna aqbalay in uu ka leexdo dariiqii uu Old Traffrod ugula midoobi lahaa Jose Mourinho kadib markii ay kooxdiisu si adag u uga horjoogsatay.

Mustaqbalka Nemanja Matic ee Stamfrod Bridge ayaa ah mid cirka ku shaareeran kadib markii uu Antonio Conte go’aan ku gaadhay in Nemanja Matic  uu kooxda isaga bixi karo. Imaatinkii Bakayoko ee Chelsea ayaa la aaminsan yahay in uu keenayo dhamaadka maalmihii Nemanja Matic  uga hadhsanaa kooxdiisa Blues iyada oo Matic iyo Costa la siiyay ogolaansho ay kooxda inteeda kala kaga maqnaan karaan.

Chelsea ayaa saxiixa Nemanja Matic  ku doonaysa lacag gaadhaysa 40 milyan oo gini laakiin sida uu sheegay wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee Corriere dello Sport, Matic ayaa kooxdiisa hal arin ka dalbaday taas oo ah in qiimihiisa suuqa hoos loo dhigo si uu Juventus ugu biiri karo.

Wargayska  Corriere dello Sport ayaa maanta bogiisa hore ku soo xardhay sawirka Matic kaas oo uu sheegay in uu “Haa” ugu jawaabay dalabkii kooxda Juventus ay ku doonaysay xidiga ree Serbia. Waxay hadda u muuqataa in Nemanja Matic uu markii labaad ka bixi doono Stamfrod Bridge inkasta oo ay jamaahiirta Blues liqi kari laayihiin in Conte uu daaqada ka tuuray Costa iyo Matic oo kooxdooda door wayn ku lahaa.

Juventus ayaa ka mid ahayd kooxaha waqtiga dheer doonayay saxiixa Nemanja Matic laakiin iyada oo Old Lady soo diiday dalab 70 milyan oo euros ahaa oo ay Blues ku doonaysay saxiixa Alex Sandro ayaa keeni karta in maamulka Chelsea ayna dhegaysan dalabka uu Matic ku doonayo in qiimihiisa suuqa hoos loo dhigo si uu Juvnetus ugu biiro.

 

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments