Muxuu Zidane Ka Yiri Kulanka El Clasico Ee Ay Sabtida La Yeelan Doonaan Barcelona ?

by Abdirahman Qoslaaye | Thursday, Dec 1, 2016

Macalinka kooxda Real Madrid ayaa ka hadlay kulanka El Clásico ee ay sabtida la ciyaari doonaan kooxda Barcelona oo ay kula soo ciyari doonaan garoonka Camp Nou maalinta sabtida ah.

Zidane ayaa sheegay in kooxdiisa ay dhibtoon doonto inta uu socdo kulanka laakin wuxuu sidoo kale cadeeyay in natiijo waliba oo kulankaan kasoo baxdo aysan waxba ka badalin doonin tartanka horyaalka.

Zizu ayaa saxaafada u sheegay “Diyaar ayaan nahay, waxaan diyaar u nahay wax noqon doono kulan aad u weyn, waxaan is diyaarinta bilaabeenaa maanta waxaana diyaar ahaan doonaa ilaa sabtiga, xalay waan nasanay, haatan waa inaan bilowno is diyaarin”.

zidane

“Miyeey natiijada kulankaan saameyn ku yeelan doontaa ama go’aamin doontaa horyaalka ? Maya, wax saameyn ah ma yeelan doonto, waxaan ka hortagi doonaa koox adag, waan hubaa waan dhibtoon doonaa”.

Cristiano iyo Messi: “Labadaba waa ciyaartooy aanan caadi aheyn, mid waliba qaabkiisa u gaarka ah ayuu leeyahay, Cristiano wuxuu qabanayaa shaqo aan la rumeysan karin, waxaan rajeynayaa inuu sii wado, waan arki doonaa waxa uu sameeyo sabtiga, waxaan rajeynayaa in haatan aysan jirin dood ka taagan labadooda, Cristiano ayaa ku guuleysan doona Ballon d’Or”.

Like it? Share it!

3 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Bashka 01-12-2016 at 8:58 pm - Reply

    Fc Barcelona guul viva msn viva busqes iniesta racatic guul wacan

  2. Abdulwasac Husein 01-12-2016 at 2:59 pm - Reply

    Guuuuuul realmadrid

  3. Habane Ayaanle 01-12-2016 at 2:46 pm - Reply

    Tobabare iyo badh guul zidan every time

Leave A Response