Muxuu Tababare Pep Guardiola Ka Yiri Guuldaradii Kasoo Gaartay Shakhtar Donetsk Kulankii Xalay Ee Ukraine Ka Dhacay?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Tababare Pep Guardiola ayaa aaminsan in guuldaradii kasoo gaartay Shakhtar Donetsk kulankii xalay ka dhacay Ukraine ay aheyd mid u fiican kooxdiisa, iyadoo ay xusid mudan tahay in 28-kulan kadib ay la kulmeen guuldaradii ugu horeysay.

Citizens ayaa booqday Ukraine iyagoo goor hore xaqiijiyay booskooda wareega 16-ka Champions League, waxeyna la kulmeen 2-1 guuldaro ah, Gunners ayaana aheyd kooxdii ugu dambeysay ee guul ka hesha Man City kulan ka tirsan Semi Final-ka koobka FA Cup-ka markaas oo la isla gaaray waqti dheeri ah.

Pep Guardiola si fiican ayuu ku bilowday xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan, waxey ku hayaan hogaanka horyaalka 8-dhibcood iyagoo adkaaday 13-kulan oo xiriir ah walina aan la kulmin wax guuldaro ah, balse xalay ayey dhadhamiyeen.

“Wey i dhaawacday” ayuu yiri Guardiola oo la hadlayay saxaafadda, “Aad bey u fiicneed inaan lumino” ayuu mar kale yiri Pep.

“Balse waan u baahneyn inaan lumino, waa wax u fiicnaan doona kooxda, dhamaanteen. Dadka waxbey yiraahdaan markaad wax badan guuleysato adna waad iloobi kartaa hadda”

“Waxaan halkaan nimid markaan hawsheena dhameysanay, waan isku daynay, dadka ma dhihi doonaan halkaan uma aadnan imaan inaad isku daydaan guusha kulanka”

“Haatan waxaan rabnaa inaan aragno Axadda, kubadda cagta waa waxa ku saabsan sida aad uga soo kabato waqtiyada xun isla markaana aad isugu daydo inaad xasiloonida baaqi ku ahaato”