Muxuu Tababare Jurgen Klopp Ka Yiri Barbarihii Ay Kooxdiisa Liverpool Xalayto Kala Kulantay Manchester United?

by Saed Balaleti | Tuesday, Oct 18, 2016

klopp3

Jurgen Klopp ayaa sheegay inay kaliya dhaleeceynayaan naftooda ka dib markii ay ku guuldareysteen inay ka gudbaan kubada difaaca ee ay Man United ku soo bandhigtay Anfield.

Liverpool ayaa barbaro goolal la’aan ah waxa ay kala kulantay xalayto kooxda Manchester United.

Goolhaye David de Gea ayaa labo badbaadin oo cajiib ah sameeyay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Liverpool ay haatan ku jirto kaalinta afaraad halka United ay fadhiso kaalinta 7aad.

“Dareen isku dhafan ayaan ka heystaa ciyaartaan” ayuu yiri Klopp.

“Kuma faraxsani ciyaarta. Waxa ay aheyd ciyaar daal badan. Waxaa jiray cadaadis halkaan iyo halkaas ah. Uma maleynayo inaan u ciyaarnay sidii aan u ciyaari karnay. Taasina waa qaladkeena, cid kale eed kuma lahan.

“Si iska OK ah ayaan ku bilaabanay laakiin nooca difaacasho ee ay ciyaarayeen, waxaa inaga luntay geesinimadii. Waan sugi weynay inaan baas sax ah sameyno. Waxaan abuuray xaalado hal ka hal ah laakiin jir ahaan waa ay inaga xooganaayeen. Waana halkaas meesha ay ku fiican yihiin. Laakiin ma aysan abuurin fursado badan.

“Labo ama seddex fursadood oo waa weyn ayuu inaga badbaadiyay David de Gea, laakiin qaab ciyaareedkeena ma uusan aheyn sidii la rabay.

“Waxa ay aheyd kulankii ugu horeysay ee aan shabaqa ilaashano, waana waxa kaliya ee aan ku faraxsanahay.”

Like it? Share it!

2 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. mohamed labani 18-10-2016 at 2:37 pm - Reply

    Ugu’horeyn waxan halkan kasalamayaa Bahda sportiga- gaar’ahaan Tageerayaasha Man unted. Run ahaanti kulunki xalay wuxu ahaa kulan wee’rar iyo wee’rer celis ah aniga ka tageero man untd ahaan waxan sugayay in aan kubad wanagsan iyo mid difaacashoba aan ciyaarno lkn adigoo goolba laheyn inaa difaac gasho waa wax aan layaabay oo aan man untd ku arag preamer leuge intaan dawanayay lkn laga yaabe inaa ku argay chompionka . Taas waxay ku tusin neysaa man untd sanadkan in ey aad ugu daciifsan tahay sanadihii h--e, difaaca waa wax lobahan yahay lkn ma ahan mid aad goolal ku dhalin karto. Jose haduu guuulo inuu man untd lagaaro rabo wa inuu 4-2-3-1 iska badalaa 4-4-2 ama 4-3-3 wa haduu guul rabo

  2. Sefudiin xabibullah 18-10-2016 at 11:32 am - Reply

    Klopp waxanku dhihi kara waxa tahay Macalin u qalma anfiel inu waqti badan sii jogo waxa run ah inad wax walba sidii lobahna kuwado mida kulankii xalay ilama ahan midan ku edeen karo ciyartoydena wax walba wan qabanay Man Utd ma xaqirayo xalay dafaceeda wuxu ahaa mid fantastic ah lkn waxa igana laxaqiri Karin kuwa Liverpool oo salatan Ibramovic kubadba udiiday ugu damben xalay Man United wey u qalantay natijadaas ham balyo tagera walbo Man Utd tagero wayo xalay waxad ka bad badeen seftena nasiib ayaa leyahiin

Leave A Response