Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Bandhigii Cajiibka Lahaa Ee Uu Sameeyay Henrikh Mkhitaryan Kulankii West Ham Ee Xalay

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 1, 2016

Tababare Jose Mourinho ayaa dareensan in Henrikh Mkhitaryan uu uga qeyb qaadanayo ciyaarta sidii ay doonayeen xilli kooxda Red Devils ay xidigaan reer Armenia kusoo iibsadeen xagaagan aduun dhan 26 Malyan Oo Pound.

Mkhitaryan ayaa noqday xidigii ugu fiicnaa ciyaartii ay United guusha ka heshay West Ham markaas oo ay kooxda Jose Mourinho 4-1 kaga adkaatay dhigooda Slaven Bilic kulan ka tirsan EFL Cup.

mou

Mourinho oo ganaax kaga maqnaa ciyaartii xalay ayaa amaanay bandhigii Henrikh Mkhitaryan kaas oo laba gool caawiyay kulankii xalay, waxaana ugu cajiib badneyd goolkii furitaanka inuu si aan caadi aheyn u caawiyay Zlatan Ibrahimovic.

“Aad baan ugu faraxsanahay sababtoo ah waxaan ka horjeednay koox EPL ah hadana leh tayada kooxaha Horyaalka” ayuu yiri Jose Mourinho oo la hadlay saxaafadda kadib kulankii xalay.

“Wuxuu si cad noo tusay hormarkiisa kulankii Feyenoord waa inaan ka fakarnaa” “Haa waa kala duwanaasho dhanka kubadda cagta ah, balse maanta waxaan ka hor jeednay koox leh sida cad tayada kooxaha heerka koowaad bandhigii Michky-na wuxuu ahaa mid aan si dhab ah ugu faraxsanahay”

Mkhitaryan put in a man of the match performance at Old Trafford on Wednesday night

“Waan ogeyn sababta aan usoo iibsanay, waan sugeynay inta uu la qabsanaayo waxeyna u muuqataa inaan helnay wixii aan sugeynay” ayuu yiri Jose oo si dadban u sheegay in Micky uu dookhiisa ahaan doono waqti walba.

Ibrahimovic iyo Anthony Martial ayaa dhaliyay min 2-gool iyadoo Mkhitaryan uu caawiyay laba gool, waxeyna aheyd guul ay United ku tiigsatay Semi Finalka tartanka EFL Cup-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response