Muxuu Tababare Arsene Wenger Ka Yiri Guuldaradii Xalay Kooxdiisa Kasoo Gaartay Southampton?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 1, 2016

Arsenal ayaa laga ciribtiray guud ahaan tartanka EFL Cup-ka kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Southampton oo marti ku aheyd Emirates ciyaar xalay dhacday, Saint ayaana iska xaadirisay wareega Semi finalka tartanka waxeyna qoorta u galeen Liverpool.

Southampton ayaa gaartay Semi Finalka tartanka EFL Cup-ka markii ugu horeysay tan iyo 1987, waxeyna uga mahad celinayaan guushoodii xalay ciyaartoyda kala ah Clasie iyo Bertrand.

Si kastaba Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay in wiilashiisa aan loo heli doonin wax cudur daar ah isla markaana ay soo bandhigeen bandhig foolxun qeybtii h--e ciyaarta.

wenger-paris

“Waan niyad jabsanahay, waxaan soo bandhignay qaab ciyaareed niyad jab leh, gaar ahaan qeybta h--e ciyaarta” Ayuu yiri Wengr oo la hadlayay saxaafadda kadib ciyaartii Emirates.

“Ma aanan sameyn difaacasho nagu filan, waxaana qeybtii h--e siinay dhigeena goolal raqiis ah”

“Waxey aheyd mid wanaagsan qeybti labaad, balse waa mid ka mid habeenada aan u muuqanay inaan ciyaarnay laba saacadood inagoon dhalin wax gool ah”

“Ma aanan helin deg-degsiimo nagu filan, waxaana aheyn kuwa ka daciifsan meelaha qaar”

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Farhan said 01-12-2016 at 7:57 am - Reply

    Wxn annn umaleyaa inn ay arsenal u muqatoo sidii club siidhadhacaya malinba malinka kadambaysa

Leave A Response