Muxuu Tababaraha Cusub Ee Real Madrid Julen Lopetegui Ka Aaminsan Yahay Cristiano Ronaldo? & Hadaladii Laga Qoray Macalinka Reer Spain.

Spain iyo Portugal ayaa isaga hor imaan doona kulanka ugu horeeya wareega group-yada, waana kulan xiisahiisa gaarka ah wata marka laga hadlo in tababaraha haatan ee qaranka La Roja Julen Lopetegui uu maamuli doono Cristiano Ronaldo oo hogaamiya Portugal hadii uu go’aansado xiddiga inuu fasalka dambe sii joogo caasimadda.

Ka hor kulanka macalinkii hore Porto ayaa wax laga weyiiyay waxa uu ku fakarayo maadaama ay ka hor imaan doonaan Cristiano Ronaldo, warbaahinta dalkiisa ayaana wax ka weyiisay.

“Cristiano waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican jiilkiisa, Portugal waa koox heer sarre ah, waana kooxda ah horyaalka Yurub” ayuu yiri Julen.

“Kooxaha fiican waxey heystaan ciyaartoy wanaagsan, balse mustaqbalkiisa dhanka kale maahan wax aniga igu xiran” ayuu mar kale yiri Julen.

Dhanka kale Lopetegui wuxuu horay ugu sifeeyay Cristiano Ronaldo mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan kubadda cagta.

“Waa ciyaariyahan leh mudnaanta ugu badan inta aan xasuusan karo, wuxuu awooday inuu la noolaado Lionel Messi isla markaana uu mararka qaar ka qaado abaalmarinada shaqsiga ah iyo mida kooxba”

“Waa tartame aan caadi aheyn kaas oo ku saleysan hab shaqo oo edab leh, wuxuuna kooxo hogaaminayay sanado baddan”

Ugu dambeyntii Julen Lopetegui ayaa aaminsan in Lionel Messi uu yahay kan ugu wanaagsan taariikhda: “Waa ciyaariyahanka ugu wanaagsan inta aan aqaano, waa wax noo adag inaan aragno shaqsi isaga oo kale ah”

1 Comment

Comments are closed.