Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Suurtogalnimada Uu Lionel Messi Ku Tagi Karo Horyaalka Premier League?

by Saed Balaleti | Wednesday, Oct 19, 2016

skysports-lionel-messi-pep-guardiola-barcelona_3811674

Tababare Pep Guardiola oo la hadlayay saxaafada shalayto ka hor kulanka caawa ee ay Man City la ciyaareyso Barcelona ayaa beeniyay inuu isku dayay inuu la wareego ciyaartoyda kooxdiisa h--e, laakiin waxa uu soo jeediyay in laga yaabo in Messi uu nolol cusub ka raadiyo horyaal kale sida Premier League.

“Ma aanan wicin Leo Messi” ayuu yiri Guardiola. “Sababtoo ah rajadeeda ugu weyn waa inuu waayihiisa ciyaareed ku dhameysto Barcelona.

“Si uu sannado badan uga ciyaaro halkaan, sababtoo ah halkaan ayaa ah meesha ugu fiican ee uu joogi karo.

“Laakiin ugu danbeyn, maalin uun wiilkaan waxa uu go’aansan doonaa inuu ka ciyaaro meel kale. Malaha waxa uu doonayaa inay wiilashiisa luqada Ingariisiga bartaan ama inuu ku noolaado meel cusub, sida nagu dhacday inteena badan. Waa wax suurtogal ah.

“Laakiin haddii uu sidaasi go’aansado, waxaana rajeynayaa inaysan dhicin laakiin haddii ay dhacdo waxaa jira doona liis afar ama shan shaqsi ama kooxood oo doonaya inay la wareegaan.

“Laakiin ma garaneysaa cida go’aankaas gaari doona? Waa isaga, haddii aan aniga doonayo ama cid kaleba. Waxa ay noqon doontaa go’aanka Leo Messi.”

Messi ayaa ka soo kabsaday dhaawac ka hor kulanka caawa Camp Nou ku dhexmaraya kooxaha Barcelona iyo Man City, waxaana uu Guardiola aaminsan yahay in kulankaan uusan dhameystirmi laheyn isaga la’aantiis.

“Waxaan la ciyaarayaa Barcelona, sida cadna xiddigooda ugu fiican waa Leo Messi” ayuu yiri.

“Waan ku faraxsanahay inuu dhaawac ka soo kabsaday islamarkaana uu awoodo inuu ciyaaro. Mar walba waa wax lagu farxo laguna qanco in la arko isagoo ciyaaraya.”

Like it? Share it!

6 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. DIDI 19-10-2016 at 4:39 pm - Reply

    kkkkkkk pep nin jiro ayad tahay cawana wad
    badineysa barca city 2 barca 1

  2. a.wasac 19-10-2016 at 1:18 pm - Reply

    ma dhacayso sidasi wayo messi wauxu goaansady inuu ku dhamaysto noloshisa barcelona ma raacayo man city uma qalmo england wuxu uqalma ispain

  3. Mazim Ilkacase 19-10-2016 at 12:56 pm - Reply

    Dhmntiin salaam kadib wxn ahay tageero kooxaha Barcelona iyo Arsenal cawa kulan an ad usagyo weyan wxnan rajaynaya in kooxdii wnagsani badiso Lkn Barcelona ka hor IMO waa habare , wiilsha Guardilla casa hayska ciyaran uun

  4. abdi jafar 19-10-2016 at 11:42 am - Reply

    barcelona deeee

  5. maxamed xaamud axmed 19-10-2016 at 11:26 am - Reply

    walaasha taageer kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  6. xidiga islii yare 19-10-2016 at 9:54 am - Reply

    Guul wacan waa laba kooxod oo aan tagero mide gagera ilataliya azxaabta

Leave A Response