Muxuu Pep Guardiola Ka Yiri Soo Laabashada Gabriel Jesus? Miyuuse Kusoo Bilaaban Karaa Kulanka Arsenal?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Laba bilood kadib Gabriel Jesus ayaa dib ugu soo laabanaya Manchester City, waxaana la filayaa inuu wajaho Axadda kooxda Arsenal kulanka Semi Finalka koobka qadiimiga ah ee FA Cup.

Jesus ayaan garoomada kasoo muuqan tan iyo February 13, markaas oo uu dhaawac dhanka cagta ah kasoo gaaray kulan ay kooxdiisa la laheyd Bournemouth.

Xidigaan reer Brazil wuxuu awood dheeri ah lasoo galay horyaalka Premier League madama isagoo noqday mid ciriiri galiyay Sergio Aguero, sadex gool ayuuna dhaliyay afar kulan oo uu kusoo bilowday.

Jesus tababar buuxa ayuu qaatay, waxaana la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka Arsenal xilli City ay isku diyaarineyso kulanka Manchester Derby maalmod kadib.

“Wey adag tahay inaad timaado horyaalka Premier League una ciyaarto sida uu u ciyaaray. wuxuu ciyaaray kaliya 10-kulan kulankiisii ugu horeeyay ee Spurs, wuxuuna abuuray sadex fursadood oo halis ah” ayuu yiri Pep Guardiola.

Sidoo kale Pep Guardiola “Maya” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay hadii aysan su’aal ka taagneen inuu kusoo bilowdo xidigaan kulanka Arsenal.

“Dhamaan ciyaartoyda waan ku farxaa markey kasoo laabtaan dhaawac balse isaga si qaas ah. aad baan ugu faraxsanahay soo laabashadiisa, waxaan rajeynayaa inuu naga caawin karo inaan goolal dhalin ilaa dhamaadka xili ciyaareedka”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments