Muxuu Paul Pogba Ka Yiri Gool Ku Laadkii Muranka Ka Dhex Dhaliyey Isaga Iyo Alexis Sanchez?

Laacibka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba waxa uu sharraxaad ka bixiyey murankii gool ku laadka ee xalay Alexis Sanchez dhexmaray.

Manchester United 2-1 ayey ku garaacday Leicester, goolasha mid ka mid a gool ku laad uu saxiixay Pogba ayuu ahaa.

Pogba ma tuuran jirin gool ku laadyada waxa ayna ahayd arrin ka xanaajisay Sanchez.

Laakiin Pogba ayaa sheegay in aysan United haysan gool ku laad ride oo uu u arkay mid ku habboon in uu tuuro xalay.

“Waa in aan Premier League-ga guul ku bilownaa waana sameynay.

“Ma dheelin kulamadii diyaar garowga, waxaan soo laabtay isniintii markaa lugaha aad ayey u cuslaayeen. Si wanaagsan ayaan u ciyaarnay, bandhigga caadi ayuu ahaa. Waa in aan kor u soconno.

“Ma lehin gool ku laad tuure, waa sida aan dareeennay waxaana go’aansaday in aan tuuro. Malaha kulanka dambe waxaan u dhaafayaa Alexis.

“Fred waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, wuuna caawin doonnaa. Aad ayaan garabkiisa ugu xasilloonahay.”