Muxuu Luis Enrique Ka Yiri Inay Kooxdiisa Barcelona Xalayto Ka Hartay Champions League & Kulanka Soo Socda Ee El Clasico?

by Saed Balaleti | Thursday, Apr 20, 2017

Barcelona waxa ay ku hartay wareega sideed dhamaadka Champions League kaliya 90 daqiiqo oo la ciyaaray sida uu aaminsan yahay Luis Enrique ka dib markii Azulgrana ay ku guuldareysatay inay soo laabasho cajiib ah sameyso lugtii labaad.

Iyagoo ku hogaaminayay 3-0 ka dib ciyaartii Turin, Juventus ayaa barbaro goolal la’aan ah ku gashay Camp Nou iyagoo xaqiijistay booskiisa isku aadka semi-finalka ee la qabanayo berri oo Jimce ah.

“Kuma qeexi karo xilli ciyaareedkeena Champions League kaliya hal erey” ayuu Luis Enrique u sheegay BeIN Sports. “Lugtii hore ee Turin oo si aad u liidata aan u ciyaarnay ayaa ina reebtay.

“Wax badan ayaa ka xusuusan doonaa ciyaartii Turin.”

Inkastoo xalayto ay barbaro goolal la’aan ah galeen, tababaraha ayaa ku qanacsanaa qaab ciyaareedka ciyaartoydiisa, waxaana uu dareemay inay ugu yaraan u qalmeen guul xalayto.

“Labada kooxood ayaa u ciyaarayay inay weerartamaan, mid dantaa ku kaliftay, laakiin Juve kaliya albaabaha ma aysan soo xiran” ayuu yiri Enrique.

“Waan garab istaagayaa habdhaqanka ciyaartoydeyda iyo taageerayaasha. Natiijada ugu cadaaladsan waxa ay ahaan laheyd guul.”

Luis Enrique ayaa markaas ka dib ka hadlay yoolkiisa xiga, iyadoo tartanka horyaalka La Liga la go’aansan karo kulanka Axada ee El Clasico.

“Waxaan heysanaa fursad aan dib ugu soo laaban karno tartanka horyaalka, anigoo si toos ah u la ciyaareyna kooxda kaalinta koowaad” ayuu yiri Enrique. “Si kastaba, waan jeclahay inaan joogo koox u hami badan sida tan.

“Waxaan mar walba cadeynay inaan nahay kuwa ugu cadcad wax walba. Waa habeen lagu faani karo.”

Kooxda Blaugrana ayaa Axada u safreysa Real Madrid iyagoo ka warqaba in guuldarro soo gaarta ay soo gabagabeyn karto rajadooda horyaalka ee xilli ciyaareedkan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments