Muxuu Ku Jawaabay Sergio Ramos Markii La Weydiiyay Haddii Uu Cristiano Ronaldo Ka Tagayo Real Madrid?

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 15, 2017

Ka dib markii uu labada rigoore saxiixay kulankii saaxiibtinimo ee ay xalayto barbaraha 3-3 la galeen xulka Russia, Sergio Ramos ayaa xaqiijiyay inuusan waxba ka ogeyn mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Real Madrid, waxaana uu ku dhiirogeliyay joornaaliistayaasha inay kabtanka Portugal shaqsi ahaantiisa weydiiyaan su’aasha.

Xulka tababare Jueln Lopetegui ayaa soo bandhigay waxyaabo fiican iyo waxyaabo aan fiicneyn intii ay tijaabinayeen ciyaartoy kulamada saaxiibtinimo, laakiin isku xirnaansho la’aanta daafacooda ayaa keentay inay barbaro 3-3 ku galaan Saint Petersburg.

“Cristiano miyuu baxayaa? Isaga weydiiya, waxba kama ogi arimahaan” ayuu ku jawaabay Ramos markii wax laga weydiiyay mustaqbalka Cristiano Ronaldo iyadoo shalayto ay soo baxday war sheegaya inuu go’aansaday inuusan qandaraaska u kordhinin kooxda oo uu ka tagayo.

Daafaca dhexe ayaana la wareegay tuurista rigoorooyinka xulka Spain xalayto isagoo dhaliyay labadii rigoore ee loo dhigay xulka La Roja.

“Shaqsi ahaan waan ku faraxsanahay inaan goolashaan u hibeeyo wiilkeyga yar” ayuu xaqiijiyay.

“Waxaanse ka jeclaan lahaa inaan guul ku hogaamiyo laakiin waxaan u ciyaarnay si fiican sannadkan 2017. Muhiimada guud waxa ay aheyd inaan u soo baxno Koobka Adduunka.”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments