Muxuu Jurgen Klopp Ka Yiri Maqnaashaha Philippe Coutinho? Miyeyse Saameyn Buuxda Ku Yeelan Kartaa Kooxdiisa?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Philippe Coutinho ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo lix todobaad ah kadib markii ay dhibaato kasoo gaartay carjawda anqawga, waxaana la filayaa inuu gabi ahaanba kooxda ka maqnaan doono kulamada ay ciyaareyso bisha December.

Xidigaan reer Brazil ayaa laga qaaday garoonka Anfield Road isagoo ilmeynaya kulankii ay kooxdiisa 2-0 ku garaacday Sunderland markii uu si culus u laaday Didier Ndong.

Dhaawaca Coutinho uma xuma sidii markii h--e la filayay, inkastoo uu soo xirtay kabaha ka hortagga shalayto markii uu soo xaadiyay isbitaalka hadana waxey qof walba ku fakareysay inuu gabi ahaan seegi doono xagaagan.

coutinho-1

Waa dhibaato weyn in Liverpool ay weyso Philippe Coutinho iyadoo dhawaan la balansan Everton Iyo Manchester City kuwaas oo ah kulamada ugu muhiimsan ee kooxda.

Coutinho sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa inuu seego kulanka ay kooxdiisa la ciyaareyso Manchester United 15-ka January inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Si kastaba Jurgen Klopp ayaa tibaaxay in maqnaashaha Coutinho ay tahay mid xun, balse kooxdu ay muujin doonto sida aysan ugu tiirsaneen hal ciyaartoy.

klopp

“Phil waa ciyaariyahan wanaagsan. hadii aanan adeegsan maalmaha iyo isbuucyada nagu soo foolka leh kadib koox walba oo aduunka ah ayaa dareemi karta” Ayuu yiri Klopp.

“Taasi waa sida ay tahay, balse cudur daar nooma noqoneyso si walba. Phill wuxuu u wanaagsan sida uu yahay. ma go’aamiyo kulamada shaqsi ahaan. xitaa hadii uu u muuqdo sidaas mararka qaar”

“Jiiditaankiisa, Shuudkiisa iyo sida uu muhiimka u yahay dhabtii waa qaab ciyaareed kooxeed oo aan abuurnay. Isagu waa qeyb aad ugu muhiim ah, balse dabcan waan xamili karnaa. ma ahan midda ugu fiican ee aan qiyaasayo ama aan ku riyoonayo waxa ku saabsan inaan tusno dadka inaan ciyaari karno Phill la’aantiis, balse waa inaan tusnaa, waana tusi doonaa”

Dhanka kalana Jurgen Klopp ayaa niyadda u dajiyay Jamaahiirta Liverpool ee ka walwalsan xaaladda Roberto Firmino kaas oo isna la filayo inuu xaadir noqdo kulamada soo aadan.

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. Sagal 29-11-2016 at 10:36 am - Reply

    Qoraalkiina waxuu u eg yahay dad jecel in u maqnaado Coutinho lakiin ogaada 1 nin o ka dhawacmay Liverpool macnaheeda maaha dib u dhawac ku imaan doono ha idinku taagnato hee

Leave A Response