Muxuu Jose Mourinho Ka Yiri Inuu Ku Kufay Banaanka Wembley? Hal Jawaab Ayuu Kaga Yaabiyay Dhamaan Wariyayaashii Yimid Shirkiisa Jaraa’id.

Tababare Jose Mourinho ayaa ka yaabiyay dhamaan wariyayaashii soo xaadiray shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Watford, wuxuuna macalinka reer Portugal isagoo ka hadlaya kufitaankiisii banaanka garoonka Wembley sheegay inuu ka lahaa ujeeddo gaar ah.

Waxaa baraha bulshada aad loogu hadal qaaday muuqaal laga soo duubay tababare Mourinho oo ku kufaya banaanka garoonka Wembley ka hor kulankii ay wada ciyaareen Spain & England ee ka tirsanaa tartanka UEFA National League, waxeyna aheyd ciyaar ay La Roja 1-2 ku badiyeen.

Si kastaba Jose Mourinho ayaa wajahay wariyayaasha, waana macalin ay inta badan aad u jecel yahiin wariyayaasha maadaama uu abuuro cinwaanno aan caadi aheyn.

Wariyayaasha waxey ku cadaadiyeen inuu ka hadlo arrinkaas wuxuuna yiri: “Waa dadka kuwa ii yeera hadana i weydiiya kufitaankii Wembley, sababtoo ah waxey doonayaan iney war iga sameeyaan”

“Waxaan u sameeyay ujeeddo, si aad adinka saxaafadda ah waxyar uga hadashaan nafteyda”

Jose Mourinho wuxuu saxaafadda kaga qosliyay in kufitaankiisii banaanka Wembley uu ka lahaa ujeeddo ah inuu ayaga mowduuc ugu abuuro, mid walba oo ka mid ah ayaana qoslay, sidoo kale waxaa la weydiiyay hadii ay dhibaato soo gaartay.

“Maya, wax dhibaato ah ima soo gaarin, waxey aheyd jilliin (istuuris) fiican, waxaan difaacday oo aan ilaashada taleefoonkeyga, rigoore la igama dhigin, wax kaar jaale ahna la ima siinin” ayuu mar kale yiri Mourinho oo  shalay ka yaabsaday wariyayaashii yimid shirkiisa jaraa’id.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Waar ninku waa maadayste fican wuxuu ku wanagsan yahay inuu filimaanta soo metelo

Comments are closed.