Muxuu Del Piero Ka Yiri Hanaanka Juventus Ee Champions League? Muxuuse U Rajeynayaa Kooxdiisii hore?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Halyeeygii hore Juventus Alessandro Del Piero ayaa kasoo muuqday shaashadaha kadib markii uu ogaaday in kooxdiisii hore ay tiigsatay semi finalka koobka Champions League markii ay 3-0 isku cel-celis ah kaga gudbeen Barcelona.

Del Piero wuxuu qabaa in Juventus-ta hadda loo dhisay kaliya iney ku guuleysato Champions League oo ay ugu dambeysay 20-sano ka hor.

Alex wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii Juventus ee 1996 guusha ka gaaray Ajax Amsterdam finalkii ay rigooreyaasha ku qasaareen, sidoo kale wuxuu goob joog u ahaa guuldarooyinkii kasoo gaaray Dortmund iyo Real Madrid sanadahii is xigay ee 97 iyo 98.

“Waxey sameeyeen wax walba oo ay qaban kareen iyadoo aysan Barcelona wax gool ah dhalin” ayuu yiri Del Piero oo la hadlayay Sky.

“Juventus waxey gaartay semi finalka Champions League markii labaad sadexdii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay waana arin muhiim ah, laba sano ka hor Juve waxey u muuqatay koox dhanka dhaqaalaha ka hooseysa Barca, balse kuma aadan arkin garoonka, ama xitaa heerka dareenkooda”

“Waxey isu difaaceen sida koox weyn, waxeyna qof walba tuseen in loo dhisay iney ku guuleystaan Champions League”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments