Muuqaal: Ceebtiis Mahee Waa Caadadiis – Daawo Mohamed Salah Oo Si La Yaab Leh U Khasaariyay Fursad Furan

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa sameeyay mid ka mid ah caadooyinkiisii lagu yaqaanay kulankii uu xulkiisu guusha weyn ka gaadhay xulka Swaziland kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka Africa.

Mohamed Salah ayaa xulkiisa ka khasaariyay fursad furan oo uu la hor tagay goolka laakiin si la yaab leh u garab mariyay birta shabaqa xulka Swaziland taas oo aan ahayn mid cusub marka loo eego fursadaha badan ee uu si la yaab leh u khasaariyay tan ilaa intii uu yimid Liverpool.

Salah ayaa kulankii xalay ka dhaliya gool qurux badan si la mid ah dhaawac uga baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan